|

(Sawiro) Madaxweynaha Soomaaliya Oo qaabilay wafuud ka kala socota Jarmalka iyo Masar

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo uu la qaadanayo Madax ka socota beesha caalamka oo uu kala hadlayo arrimo khuseeya Soomaaliya, gaar ahaana sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha daba dheraaday ee dalka ka jira, isla markaana Soomaaliya si dhab ah loo siin lahaa tageero.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socda dalalka Jarmalka iyo Masar, waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Madaxa Waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Mudane Ralph Timmermann oo uu wehliyay Safiir K/Xigeenka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Markus Bollmohr ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ay garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan idin xusuusinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka inuu ahaa mid aad u wanaagsan oo ku dhisanaa iskaashi iyo wax wada qabsi. Waxaan ka dooneynaa Dowladda Jarmalka in ay dhankeeda qeyb weyn ka geysato sidii dalkayaga uu usoo kaban lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay wafdigan ka socday dowladda Jarmalka abaaraha aadka u daran ee saameeyay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ballan qaaday in ay dowladdooda gaarsiin doonaan dhambaalka Madaxweynaha, ayna ka qeyb qaadan doonaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi lahayd.

gg unnamed yy

www.puntlandi.com.

Comments are closed