|

(Sawiro) Maxaa Maanta Ka Cusub Degmada Baran Ee Gobolka Sanaag?

Shir ay yeesheen laamaha dawladda ee heer gobol iyo heer degmo ayaa maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka .

Shirkan ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa iswaraysi wixii qabsoomay arimaha gurmadka abaaraha iyo qiimaynta xaalada abaartu sida ay uga sii darayso.

Guddoomiyaha Gobolka Hon. Maxamuud Ciyoon oo safar shaqo ku maqnaa ayaa ugu horayn ka warbixiyey hay’adaha dawlada iyo kuwa samafalka ee gacanta ka geystey gurmadka abaaraha ee labadii bilood ee la soo dhaafay ee Jannaayo iyo Febraayo , gurmadkaas oo isugu jirey biyo dhaamin , raashin qaybin , daaweyn bilaash ah , rarid loo raray qaar reer guuraaga ah meelihii roobku ka da’ay , iyo wacyi gelin ba.

Waxa si weyn loogu mahad celiyey Jaaliyadaha dibada doorkii wanaaagsanaa ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha , waxana loogu baaqay iney sii wadaan dadaalkooda maadaama xaalada abaartu ay ka sii darayso wax walbana ay saamaysay.

Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa sheegay iney iskuullo xidhmeen , qaar badanna tirada ardaydu hoos u dhacday abaarta darteed.

Saraakiisha caafimaadka ayaa dhankooda tilmaamay in ay jirto nafaqa darro baahsan oo haweenka iyo caruurta u badan , iyo cuduro kale oo cusub lana socda abaarta .

Maamulka degmada ayaa iyaguna ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee degmada ka socota iyo kuwa la filayo sanadka 2017 ka. Sidoo kalena roob doon iyo rabbi bari laga sameeyey magaalada Badhan maalintii Sabtida si ilaahay loogu sheegto baahida jirta loogana baryo raxmaadkiisa.

Ugu danbayntii waxa baaq loo jeediyey ganacsatada , jaaliyadaha iyo dawladaba in la sii wado taakulaynta dadka abaartu saamaysay oo iminka xilli adag ku jira.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed