|

Sawiro iyo Waxay Kawada hadleen Madaxweynaha JF Soomaaliya iyo Xoghayaha Arimaha Dinada Ingiriiska

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu MAanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska Boris Johnson oo booqasho aan horey loo sheegin ku yimid Soomaaliya.

Sida Puntlandi Xogta ku Hayo, Kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska ayaa ahaa ,

1- Xiriirka Soomaaliya iyo UK
2- Barnaamijka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya
3- Abaaraha Ka jira Dalka iyo sidii Dowlada Ingiriisku ay uga qaybqaadan lahayd gurmadka.
4- Kaalmada horumarineed ee Ingiriisku siiyo Soomaaliya iyo Kaalmada EU ee Soomaaliya.

Sadexda Qodob ee hore isfahan buuxa ayaa laga gaaray oo Ingiriisku waxay balan qaadeen iney ka qayb qaadanayaan gurmadka Abaaraha iyo wanaajinta Xiriirka labada Dal.

Qodobka Afraad Xoghayaha Arimaha Dibada Ingiriiska Boris Johnson wuxuu Madaxweyne Farmaajo u sharaxay Ka bixitaanka ay Ingiriisku ka bexeeen Midowga Yurub tasoo saameyn ku yeelan doonta Xiriirka Soomaaliya iyo UK siduu Marko hore ahaa iyo kadib ka bixida EU, Sida Pi ay xogta ku hayaan Wasiirku wuxuu sheegay iney jireen Go’aamo ay horey uwada gaari jireen Wadamada EU oo ku Saddam Soomaaliya laakiin hada kadib go’aamada EU iyagay gooni ubahaanayaan, Ingiriiskuna kaligiis ayuu ku ahaanayaa, inkastoo ay dhici doonto in wali EU iyo UK ay wax badan iska kaashanayaan Sida Deeqaha lasiiyo Soomaaliya, laakiin hada kadib UK gooni ayay u istaagaysaa oo gooni Bay Soomaaliya ula macaamili doontaa.

Imaatinka Boris Johnson uu yimi Soomaaliya waxay ahayd kor u qaadista Xiriirka Soomaaliya iyo UK iyo in Soomaaliya ay xasuustaan in UK ay garab taagan tahay Xiligaan kulul ee Abaaruhu jiraan.

Puntlandi
Muqdisho

Comments are closed