|

(Sawiro) Shirka Golaha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Furmay Magaalada Kismaayo

Shirka Golaha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, kaasi oo noqonaya shirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Soomaaliya ay ku yeelanayso meel ka baxsan Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa shir guddoominaya Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre, waxaana goob joog ka ah Madaxda maamulka Jubbaland.

Xassan Cali Khayre iyo Madaxda Jubbaland ayaa Khudbado ka jeedin doona furitaanka shirka, waxaana shirar kuwan dhigooda ah ay ku yeelan doonaan Xarumaha kale ee maamulada dalka.

Marka shirka laga tago waxaa Wasaaraha dawlada Federaalka ay la kulmi doonaan Wasaaradaha Jubbaland, waxaana kulamadaasi loogu yeeray kulamo isdhexgal oo horseed u noqonaya ka wada shaqaynta hormarka dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya looga baahan yahay inay cadayso inay tahay Federaal oo ay dalka oo dhan matasho, isla markaana aysan ku koobnaan Muqdisho.

www.puntlandi.com.

Comments are closed