|

(Sawiro) Wasiirka Maaliyadda Puntland Oo Kulan La Qaatay Xildhibaano, Maamulka gobolka Sanaag Iyo Madax Kale

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada C/laahi Shiikh Axmed ayaa kulan gaar ah u qabtay qaar ka mid ah madaxda Wasaarada Maaliyada , Xisaabiyaha Guud Mr. C/risaaq Siciid Nuur , Xildhibaano kasoo jeeda gobolada Haylaan iyo Sanaag , guddoomiyeyaasha goboladaas, Booliska gobolladaas, iyo madaxda Maaliyada ee labada gobol .

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxmuud Ciyoon ayaa Warbaahinta Puntlandi u sheegay in ujeedada kulanka ay ahayd shaqada Wasaaradda ee Gobolada Sanaag iyo Hayland.

”Ujeedka kulanka ayaa ahaa in wasiirku warbixin ka dhegeysto shaqada maaliyada ee labada gobol ee Sanaag iyo Haylaan , iyo sidii loo dar dar gelin lahaa wax soo saarka iyo dakhliga,Waxa kale oo la isku booriyey wada shaqayn iyo in talo soo jeedinta madaxda la dhegeysto , si ay goboladaasi isugu fillaadaan” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Xildhibaanada iyo madaxda labadaas gobol ayaa wasiirka uga mahad celiyey kulankan iyo sida uu muhiimada u siinayo in dakhli loo sameeyo goboladaas. Dhankoodana waxay ballan qaadeen iney la shaqaynayaan shaqaalaha maaliyada ee gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

15895130_963240183810161_4920063204393455152_n 15895182_963239920476854_365227457115180571_n 15940390_963240350476811_2460249453585101046_n 15965592_963240527143460_917766253398352633_n 15966197_963240653810114_8881645597013511112_n 15977356_963240270476819_5409145869596934530_n 15977588_963240447143468_3289134758354390845_n 15977856_963239950476851_3217832113452059223_n

www,puntlandi.com.

Comments are closed