abaaraha
|

(Sawiro+Video) Bangiga Amal oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Qardho Uso Bandhigay Adeegyo Casri ah

Munaasabad balaaran oo lagu Daahfuray Adeegyo cusub oo Bangiga Amal uu soo kordhiyay ayaa ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan Bangiga Amal, Ganacsato iyo qayabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Qardho.

Maamulaha Guud ee Bangiga Amal Siciid Cali Shire oo Daahfuray Munaasabada, ayaa sheegay in Bangiga Amal uu bulshadiisa la wadaagayo Adeegyo la jaanqaadaya Baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

‘’Maanta waxaan idiin sheegi karaa innaan soo Bandhignay Adeegyo ku salaysan baahida Mujtamaca, lana jaanqadaya Tiknolijiyada oo ku haboon qof kasta iyo Qoys kasta meel kasta oo u kaga jiro Jaranjarada nolosha’’ Ayuu yiri.

Mudane Siciid Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri‘’……Softwer-ka aan isticmaalno Bangi ahaan wuxuu ka mid yahay Softiweerada ay isticmaalan Bangiyada ugu waawayn Caalamka, maanta Bangiyadu waa labo waa midka kowaade waa mid aad ka noqonayso Macaamiil, oo haddii aad tagto kan labaad laguma yaqaan, waa in markaa Isgaarsiin la Adeegsado, Bangina waa mid aad Macamiil ka tahay meeshaad rabto joog,waxaa EEBE mahadii ah innaan isticmaalno kan’’.

Mar uu ka hadlayay xarumaha kala duwan ee Bangiga Amal uu ku leeyahay Caalamka ayaa wuxuu yiri‘’…..Amal wuxuu leeyahay 27 Farac iyo 200 oo Wakiil, meesha aad doonto joog balad iyo baadiye waad helaysaa Adeegaaga, waxaan ku joongoynay Adeegena baahida Mujtamaca iyo Tiknolojiyada halka ay marayso’’.

Maamulaha Guud ee Bangiga Amal Siciid Cali Shire ayaa sheegay in Bangiga Amal uusan ahayn meel lagu kaydiyo lacag oo kaliya, hasa yeeshe uu qabto Adeegyo intaas ka Miisaan wayn.

‘’Bangigu ma aha oo kaliya meel lacag qabata ee wuxuu ka qayb qaadanaya dhismaha qofka maalinta uu dhasho illaa maalinta uu ka dhimanayo’’ Ayuu yiri.

Maamulaha Shirkadda Golis ee Gobolka Karkaar Axmed Cawaale oo ka hadlay goobta ayaa soo dhoweeyay Adeegyada cusub ee Bangiga Amal.

Qaar ka mid ah bulshada ka qayb galay Munaasabada ayaa si wayn uso dhoweeyay Adeegyada Casriga ah ee Bangiga Amal, waxaana Adeegyadan ay kuso beegmeen xilli dhowaan Amal ay Garowe ku Daahfurtay Shirkad Isgaarsiineed oo lagu magacaabo Amtel.

Hoos Ka Daawo Madaxda Shirkadda oo Faahfahinaya Adeegyada Casriga ah ee Amal iyo Sawirada Munaasabada;-

amal-1 amal-2 amal-3 amal-4 amal-5 amal-6 amal-7 amal-8 amal-9

www.puntlandi.com.

Comments are closed