|

(SAWIRRO) Madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Shariif oo gaaray magaalada Dhuuso mareeb.

Madaxweyne Gaas iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuuso mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo maalinta berrito ah lagu qabanayo xaflad loo qabanayo dhameystirka heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Waxaa si lamid ah halkaas gaaray madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in uusan Dhuusmaareeb marti ku aheyn balse ay tahay magaaladii uu ku dhashey, wax kubartey, kuna barbaarey.

xw

Comments are closed