|

(SAWIRRO) 131 Ardey oo ka qalin jabisay jaamacada bariga africa faraceeda Gaalkacyo.

Maamulka Dagmada, wasiiro ka socday xukuumada Puntland, Ganacsato, aqoonyahano, siyaasiyiin, maamulka shirkada Golis oo maalgalisay xafladan iyo marti sharaf kale ayaa maantay ka qaybgalay munaasabada qalinjabinta 131 arday oo ka aflaxday Jamacada Bari Africa ee Magaalada Galkacyo.
Ardaydan ka qalinjabisay Jaamacada Barika Africa faraceeda Galkacyo ayaa noqonaysa dufcadii sagaalaad ee ka aflaxday Jaamacada taniyo markii la unkay kuwaasi oo bartay kuliyadaha kala ah computer seince, maamulka iyo maaraynta, culuumta caafimaadka, shareecada iyo qaanuunka, iyo kuliyada arimaha bulshada.
Sheekh Aadan Maxamed Cigaal oo ah maamulaha faraca Galkacyo iyo Maxamed Maxmuud ciise oo ah Gudoomiye ku xigeenka guud ee Jaamacada Bariga Africa ayaa sida wada jira ugu hambaliyeeyay ardayda maantay ka qalinjabisay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacada.
“Waxbarashadu ma dhamaan waxaad gaarteen heerkii koowaad waxaana loo baahanyahay inaad horay u socotaan maantay waa laga gudbay in ardayga lagu shaqaalaysiiyo heerka ad maantay joogtaan waana inaad ka fikirtaan idinku sidii aad u keeni lahaydeen shaqo abuur cusub iyo inaad wax ka badashaan bushalada aad wax u barteen noqda kuwii wax ka badalilahaa nolosha Galkacyo”
Wasiirkii hore ee wasaarada hawaynka Puntland Maamo Caasho Geeli diiriye ayaa ardayda kula dardaarantay inay hormuud ka nodaan arimaha nabadaynta Galkacyo maamulka Jaamacadana ka codsatay inay soo kordhiyaan barashada xirfadaha maadaama ay aad u yartahay shaqada dalka.
Faarax Bootaan Faarax Maamulaha Shirkada Golis ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay oo ay ka qaybqaataan xafladaha qalinjabinta ardayda jaamacadaha Galkacyo iyo dhamaan deegaanada Puntland.
“Waxaa qabaa in dadku aysan wada noqon jaamiciyeen oo loo baahanyahay barashada xirfadaha caganta baahidoodana ay ka jirto dalka, korna loo sii qaado tayada waxbarashada waana hambaliyaynayaa ardayda qalinjabisay”
Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdiwali Xirsi indha Guran ayaa hambaliyo kadib kula dar daarmay ardayda inay ka qaybqaataan xal u helida qilaafaadka Galkacyo ee soo noq noqday.
Jaamacada Bariga Africa o ku howlan inay soo kordhiyaan heerka waxbarashada aqoonta jaamacada  darajada sare ee PHD maadaama aysan hore ujirin darajadaas in ay bixiyaan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Comments are closed