|

(SAWIRRO) Ciidanka PSF oo howlgallo ka dhan ah Daacish ka wada Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka argagixsada Daacish ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aaga degmada Balidhidin iyo tuulada Beeliwacatay ee gobolka Bari.

Hawlgalladan ay ciidamada Puntland muddooyinkan dambe ka wadaan Buuraha Cal Miskaat iyo Cal Madow ee gobolada Bari iyo Sanaag ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay ciidamada Puntland kaga saaranayaan argagixisada goobaha ay kaga sugan yihiin Puntland.

Saraakiisha Ciidamada  PSF ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba.

 

You must be logged in to post a comment Login