|

(Sawirro) Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgal ka sameeyay buuraha Calmadow.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay xalay gelinkii dambe October 10, 2017, hawlgal si guul leh u dhacay oo ka dhan cadowga Al Shabaab ka fuliyeen buuraleyda aaga deegaanada Majiyahan iyo Madarshoon ee Buuraha Cal Madow

Hawlgalkan ciidanka PSF fuliyeen waxa uu jawaab celin u yahay weerar gaadmo ah oo ururka argagixisada Al Shabaab ay habeen hore ku soo qaadeen koontaroolka magaalada Bosaso, waxaana gaaray ururka Al Shabaab khasaare xoog leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka PSF waxaa ka go’an ka takhalusida iyo ka xoraynta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba kooxaha argagixisada ah ee qalalaasaha iyo falalka argagixisimo ka wada waddanka Soomaaliya.

 

 

You must be logged in to post a comment Login