|

(SAWIRRO) Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka sameeyay tuulada Timirshe ee gobolka Bari.

Ciidanka Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah ururada argagixisada Al Shabaab iyo Daacish ka waday Buuraha CalMadow iyo CalMiskeed ee gobolada Bari iyo Sanaag ayaa  hawlgal ku tageen tuulada Timirshe ee gobolka Bari.

Bartilmaameedka hawlgalladan ciidanka PSF ay wadaan ayaa ah sidii kooxaha argagixisada Al Shabaab iyo Daacish looga sifayn lahaa degaanada ay kaga dhuumaalaystaan Buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login