|

(SAWIRRO) Degmada Baargaal oo kusoo biirtay olalaha isxilqaamayaasha dhalinyarada Puntland.

Magaalooyinka Puntland waxaa ka bilowday kacdoon ay wadaan
dhallinyaro is xalqaamay kuwaasoo ka qeyb qaadanaya horumarka dalka.

Dhallinyaradan ayaa ka dhiidhiyey dhibaatooyinka ka jira magaalooyinka
dalkeena, waxaana ay billaabeen barnaamiyo lagu hormarinayo.

Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu Waxaa Mudooyinkan ka
socday olole aywadaan dhallinyaro isxilqaamay kuwaasoo Nadiifinaaya
Xaafadaha Magaalada Baargaal iyo wadooyinka iyo agagaarka Magaalada
si loo soo celiyo bilicda iyo quruxdii Maagaalada

Dhallinyaradaas oo la baxay “WAAN DHISI KARNAA”, ayaa isu xilqaamay
inay is abaabulaan oo ay si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan  uguna
nadiifiyaan Magaaladooda iyo wadooyinkooda iyo meel kasta oo wax qabad
u baahan oo dalkooda kamid ah

Ololahan ay bilaaeen oo ay fuliyeen dhalinyaradan iskood isu soo
abaabulay ayaa aad looga soo dhaweeyay deegaanka iyo sida durba ay
bilicii magaalada dib ugu soo cesheen.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login