|

(SAWIRRO) Dekeda Bosaso oo caawo mashquul badan uu ka jiro.

Dekedda Boosaaso ayaa caawa dib shaqadii u bilowdey,kaddib muddo ku dhow toddobad oo aysan dekeddu shaqeyn.

Heshiis ay wadagaareen wasaaradda Dekedaha Puntland, Wasaaradda Maaliyadda oo isku dhinac ah iyo ganacsatada Puntland ayaa lugu xalliyay cabashooyinkii ganacsatada ee keenay inay diidaan wax badeecad ah laga dejiyo dekedda.

Qodobbada heshiiska oo si kumeel-gaar u shaqeyn doonna waxaa ka mid ah:-

1- In dekedu ku shaqayso nidaamkii hore.

2- In khidmaha laga qaadayo gaadiidka ay noqdaan sidii hore

3-In shir saddex geesood ah ay wada yeeshaan wasaaradda, Ganacsatada iyo shirkadda P&O port ee lagu wareejiyay Dekeda, shirkaasi oo lagaga niqaashi doono isbedelka ku yimid nidaamka dekeda iyo khidmadaha.

You must be logged in to post a comment Login