|

(Sawirro+ Dhageyso) Qaar kamid ah xildhibaanada gollaha deegaanka Garowe oo Sheegay In La Musuq-maasuqay Mashruuca Dhiraynta Garowe.

Xubno katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa eedayn u jeediyey Hay’ada Care oo mashruuc dhirayn ah kawada magaalada Garoowe.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Hay’adu ay musuq maasuqday qaabkii loo qorsheeyey in loodhiriyeeyo magaalada, si loo yareeyo kharashka kaga baxaya dhiraynta magaalada.

Waxa ay ku sheegeen shirkooda jaraa’id in horay loogu qorsheeyey mashruucaan 80/80 dherer iyo balac godadka dhirta lagu beerayo haseyeeshee laga dhigay 50/50.

Dhanka kalena xildhibaanada ayaa sheegay in Hay’adu ay wax u wado qaab ka duwan kii loo qorsheeyey in loofuliyeo mashruucaan oo haddii uu mirodhalo waxbadan ka qaban doona bilicda caasimadda.

DHEGYSO CODKa xildhibaanada

20170215_120212 20170215_120244 20170215_120303 (1) 20170215_120303 20170215_120527 20170215_120538 unnamed1 unnamed-1 unnamed-2

PUNTLANDI.COM

 

 

Comments are closed