|

(SAWIRRO) Dowladda Puntland oo maanta gubtay 600 milyan oo shilin Soomaali been abuur ah.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa maanta gubay lacag shilling Soomaali faalso ah taasoo ay dhawaan qabteen Ciidanka Kontoroolka magaalada Bosaso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe oo weheliyaan maamulka gobolka,Maamulka Bangiga, Agaasimayaasha Wasaaradda ayaa goobjoog ka ahaa gubista lacagtan.

Lacagtan sida uu sheegay maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse Aw Xuseen waxay dhan tahay 600,500,000(Lix boqol oo milyan iyo shan boqol oo kun) Sh.so taasoo Puntland uga timid dhanka gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Puntlandi.com

Comments are closed