|

(SAWIRRO) Dowladda Puntland oo xus baalaran u sameysay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas aaskii SYL.

(Pi Garowe) Munaasabad lagu maamuusayo sanad guurada 74-aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo ku beegan 15 may ee sanadkii 1943, ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Munaasabadaan oo ay qabashadeeda iska kaashadeen wasaaradda shaqada iyo dhalinyarada Puntland iyo hay’adda Mercy corps ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland, Masuuliyiin ka socda Gollaha Xukuumadda, Baarlamanka, Dhalinyarada, Hay,addaha World Vision, Mercy Crop, Dhalinyaro, Kooxo ka socda Fanka iyo Suugaanta iyo Marti sharaf kale.

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ayuu ka warbixiyay Agaasimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Tigaana xuska maalinta loo samaynayo, Wuxuuna sheegay in dhalinyarada reer Puntland sanadkii lasoo dhaafey door muhiim ah ka qaateen gurmadkii loo samaynayay qoysaskii ku waxyeeloobay abaartii dalka ka dhacday, Islamarkaana ay ku talaabsadeen waxqabad muuqda.

Guddoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN, Aweys Axmed Sardheeye oo khudbad ka jeediyay xuskaan ayaa ku dheeraaday ahmiyada dhalinyarada Puntland, wadaniyada, democratiyada iyo in xisbiyo furtaan dhalinyarada. Waxaa kaloo uu ka hadlay baaq uu udiray dawladda Soomaaliya oo ah in xabsiyada aduunka dhalinyarada ku xiran  loo qareemo oo laga siidaayo.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa u mahadceliyay dhamaan kazoo qeyb galayaashii xaflada loogu dabaal degayo sanad guurada Ururka SYL wuxuuna ku dheeraadey taariikhda halgamayaashii asaasay Ururka SYL.

Dhinaca kale, Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo  soo xiray xafladaan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyaradii kazoo qeyb gashay maalintan qiimaha badan, Isagoona sheegay in tani muujinayso qiimaha dhalinyaradu u leedahay dadka iyo dalkeedaba.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Puntland ayaa shahaado sharafyo gudoonsiisay Hay,addaha World Vision, Mercy Crop , US AID iyo Ururka dhalinyarada ee MUDAN.

DAAWO SAWIRRADDA.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login