|

Sawirro:- Goorma ayaa la soo Gaba gabayn doonaa Howlgalkii lagu bad baadinayay hantida saaran Doonida Xafiis ee Bosaaso ku soo caarisay

Waxaa meel gabo gabo ah maraya howl galkii lagu samata bixinayay Doonidii Xafiis ee ku soo caariday 4tii bishan meel ku dhaw dekeda magaalada Bosaaso.

Hantida saaran doontan oo lagu qiyaasay 7 milyan oo doolar ayaa waxaa iska kaashaday bad baadinteeda Shacabka Ganacsatada, Dowladda ,Culimada, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sawirro laga soo qaaday halka ay taalo doonidan iyo sida ay shaqada usocoto ayaa muujinaya in howshu ay tahay mid gabo gabo ah oo u muuqata in lagu guulaystay.

Gudoomiyaha gudiga bad baadinta doontan Sheekh Fu,aad Xaaji ayaa warsidaha Puntlandi.com usheegay in maalinta Qamiista ah lasoo gaba gabayn doono howsha doonidan.

 

You must be logged in to post a comment Login