|

(SAWIRRO) Halkee ayuu marayaa dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe?

Wasiirada Warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) iyo Qurbe-joog ayaa booqday Garoonka magaalada Garoowe oo loo dhisayo qaab caalami ah.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, ayaa dhismihiisu uu si habsami leh u socdaa, kaasi oo maraya heer gabagabo ah.

Shaqaalaha garoonka, ayaa bilaabay inay dhisaan dhabaha ay ku Orodo diyaaradu, ka dib markii dhowaan la keenay Daamurkii Laamiga.

Waxaa la filayaa in lasoo afmeero dhismaha garoonka inta ka dhiman sanadka 2017-ka, isla markaana la daahfuro bilowga sanadka 2018-ka.

Wuxuu noqonayaa garoonkii 2-aad ee Puntland ay yeelato, waxaana uu qayb ka yahay dhismayaasha Kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

You must be logged in to post a comment Login