abaaraha
|

(Sawirro) Haweenka Booliska Puntland oo tababar ugu soo xirmay xarunta UNSOM ee Garowe

(Pi Garowe) Xarunta Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNSOM waxaa kusoo gaba gaboobay tababar saddex casho u socday haweenka booliska Puntland oo tiradoodu ahayd 16.

Booliska Qaramada Midoobay (UNPOL) oo kaashanaya booliska Puntland ayaa soo xiray tababarka lagu baranayay, sida boolisku u shaqeeyo, sida loo baaro kiisaska iyo danbiyada dhaca.

Waxaa kaloo haweenka booliska Puntland la barayay casharo ku saabsan, xarigga iyo danbi baarista, waraysiga danbiilaha iyo dhibbanaha, iyo danbi baaridda aasaasiga ah.

Casharada la barayay ayaa sidoo kale ahaa kuwo xoogga saarayay aqoontooda aasaasiga ah iyo shaqooyinka looga baahan yahay inta ay hawsha booliska ku jiraan.

Waa kulankii ugu horeeyay oo tababar oo la isugu keeno haweenka booliska ah ee Puntland kuwaasoo ka kala yimid dhammaan deegaannada Puntland.

Taliye ku xigeenka booliska Puntland Cabdullaahi Shire Dool ayaa soo xiray tabobarka uguna baaqay ka qaybgalayaasha inay dabaqaan casharada ay ku qaateen tababarka.

Tabobarka waxaa bixinayay saraakiil katirsan booliska Qaramada Midoobay ee UNPOL, ujeedkiisuna wuxuu ahaa in la kobciyo aqoonta booliska Puntland, gaarahaan gabdhaha oo aan inta badan helin fursadaha tababarada.

DSC01977 DSC01982 DSC01983 DSC02025 DSC02033 DSC02037 DSC02074 DSC02039

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n