abaaraha
|

Sawirro:-Hay’adda Read Horn Of Africa oo 40 Qays oo danyar ah Raashi ugu qaybisay Deeganka Xero-Jalle.

Hayadda Read Horn Of Africa ayaa deeq raashin gaysay  tuulada Xero Jaalle oo  ka tirsan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.Raashinkaas oo ahaa afurin ayaa waxay Hayadda Read Horn Of Africa ugu deeqday Masaakiin kunool deegaankaas waxaana wakiil uga ahaa Deeq Cabdulaahi Sh.doon.

Raashinkan ay qaybisay Hayadda Read Horn Of Africa  ayaa waxaa ka faa,iidaysatay Dad badan oo danyar ah,kuwaaso u baahi badan u qabay helida Raashin ay karsadaan.

Cabdi Daahir Maxamed Sugulle oo ah masuul katirsan Hay adda Read Horn Of Africa USA kana mida jaaliyadda Dalka Maraykanka ayaa sheegay inay hay addu  afurin u samaysay  Bisha Barakaysan Ee Ramadan  dad dan yar ah oo ku nool Boosaaso,Gaalkacyo iyo Bursaalax.

Maamulka Deegaanka Xera jaalle iyo Culuma udiinka Halkaas ku dhaqan ayaa Hayadda Read Horn Of Africa uga Mahadceliyay sid wanaagsan ay ugu so gargaren Masaakiinta

Ugu dambayntii dhamaan dadkii danyarta ahaa ee ay soo gaartaan deeqdaan kala duwan ayaa u mahadceliyey guud ahaan hayadda Read Horn Of Africa Minisotta iyo walaalihii ka qaybqaatay hawshaan khayrigaa.

IMG-20160319-WA0002  IMG-20160319-WA0006 IMG-20160702-WA0008 IMG-20160702-WA0009 IMG-20160702-WA0010 IMG-20160702-WA0011 IMG-20160702-WA0012

IMG-20160702-WA0009 IMG-20160702-WA0011

Comments are closed