abaaraha
|

(Sawirro) Iskusoo bax Roon-doon ah oo manata Garowe laga sameeyay iyo wasaaradda cadalada Puntland oo ku baaqday in Alle ka cabsiga la jogteeyo.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta oo ah Isniin waxaa ka dhacay iskusoo bax Roob-doon ah. Dadka ayaa isugu soo baxay banaanka magaalada, waxaana ay tukadeen laba rakcadood oo ay Rabbi ku baryeen in uu abaarta ka dulqaado raxmadiisana uu soo shubo.

Salaadda roob doonka lagu tukunayay ayaa waxaa soo ababaushay wasaaradda cadaaladda Arimaha Diinta iyo dhaqan celinta iyada oo ay ka qayb galeen boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin katirsan dowladda Puntland.

Wasiirka cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay isniin walba inay Puntland ka dhicidoonaan iskusoo baxyo roob doon ah, si buu yiri ilaaheey raxmadiisa looga helo, wuxuuna shacabka ugu baaqay in cabsida Eebbe iyo isku gargaarida bulshada dhexdeeda la joogteeyo si dhibaatadaan looga baxo.

Wasiirka cadaaladu wuxuu musiibo ku tilmaamay abaarta Puntland ka jirta, wuxuuna sheegay haddii xaaladu sidaan kusii socota in xaalku sii xumaandoono.

Isu soo baxaan roob doonta ayaa imaanaya xili Deegaamo badan oo katirsan Puntland ayaa waxaa ka taagan abaar saamaysay dadka iyo duunyada iyadoona gobolada qaar ay xooluhu u dhintaan harraad iyo macluul.

Daawo Sawiradda.

img-20161114-wa0000 img-20161114-wa0001 img-20161114-wa0002 img-20161114-wa0003 img-20161114-wa0004 img-20161114-wa0005 img-20161114-wa0006 img-20161114-wa0007 img-20161114-wa0009 img-20161114-wa0010 img-20161114-wa0011 img-20161114-wa0012 img-20161114-wa0013 img-20161114-wa0014 img-20161114-wa0015

Puntlandi.com

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n