|

(SAWIRRO) Jubbaland oo Puntland usoo dhoofisay Eedaysane Abdirisaaq Warsame Axmed.

Maamulka Jubbaland ayaa goor dhowayd diyaarad magaalada Kismaayo kasoo saaray Abdirisaaq Warsame Axmed oo ay dowladda Puntland dalbatay in gacanta loosoo galiyo, kadib markii la sheegay inuu dhaawac ugeystay gabadh 17 jir oo ku sugnayd magaalada Bosaso, xilli u isku dayay inuu tacadi kula kaco.

Cidanka Jubbaland oo ninkaan kasoo qabtay baadiyaha magaalada Kismaayo, ayaa maanta oo sabti ah usoo dhoofiyay dhinaca Puntland, iyadoo la filayo in saacadaha soo socdo lagasoo dajiyo Garowe.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa horey u sheegay in cadaalada la horkeenidoono ninkaan oo la sheegay inuu ahaa askari ciidanka katirsan, inkastoo laamaha amnigu iska fogeeyeen.

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login