|

(SAWIRRO) kalfadhigii 23-aad ee gollaha degaanka Garowe oo maanta furmay.

Waxaa Looga hadlay waxii u qabsoomay kalfadhiga 23 aad ee golaha deegaanka degmada Garowe 6 dii bilood ee la soo dhaafay , iyo qorsha uu hiigsanayo bilaha soo socda, waxaa furay Wasiir dawlaha wasaarada Arimaha gudaha puntland.

Gudoomiyaha degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa uu qabsomay golaha deegaanka Garowe 6 bilood ee la soo dhaafay, Qorshaha waxqabad ee Magaalada ayuu ka hadlay duqa degmada Garowe ,waxaana uu tilmaamay inay diyaarsan yihiin mashaariicyo dhowra.

Wasiir dawlaha arimaha gudaha Cali Yuusuf Jamac ayaa u sheegay Maamulka degmada in looga baahan yahay wax qabad dhab ah inay la yimaadaan sida dhanka Amaanka iyo Nadafada
Agaasimaha guud Wasaarada Arimaha gudaha Puntland Cabdirisaaq Jubba ayaa ugu baaqay golaha deegaanka inay soo gudbiyaan Miisaaniyada ay ku shaqaynayaan

Cumar Farawayne gudoomiyaha gobolka Nugaal oo lagu Amaanay isku xirka degmooyinka ayaa dhanka kale ka hadlay mashaariicda degmooyinka gobolka ka socda
Golaha deegaanka Deg-Garowe ayaa ka kooban 27 xubnood waxaana lagu amaanay intii ay jireen inay wax ka qabteen mashaariicda magaalada iyadoona latilmaamay inay yihiin gole uusan ku badnayn is qabqabsiga .

You must be logged in to post a comment Login