|

(SAWIRRO) Ku simaha wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo si balaaran loogusoo dhoweeyay Garowe, kana hadlay go’aankii barlamaanka Puntland.

Ku simaha wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa maanta si balaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo muddo labo todobaad ah ku maqnaa safar dhanka dibada ah.

Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa garoonka diyaaradaha ee Kanaco, waxaa kusoo dhowooyay boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin katirsan dowladda Puntland iyo maamulka degmada Garowe.

Axmed Karaash oo shir jaraa’id hoygiisa ugu qabtay warbaahinta, ayaa u sheegay inuu safarkiisa ku saabsanaa socdaal caafimaad iyo shaqo oo uu kusoo maray ¬†wadamo badan oo ay kamid yihiin Imaaraatka Carabta iyo Cumaan.

Wasiir Axmed Karaash ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay go’aankii barlamaanka Puntland kasoo baxay ee ahaa kalsoonida kala noqashada xukuumadii uu kamid ahaa, wuxuuna sheegay inay xildhibaanadu qaadeen tilaabo dastuuri oo ay xaq ulahaayeen.

Waxaa kale oo uu wasiir Axmed Karaash soo dhoweeyay sidii madaxweynaha dowladda Punt;and u aqbalay go’aanka barlamaanka.

DAAWO SAWIRRO.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login