|

(SAWIRRO) Maamulka gobolka Karkaar iyo Shacabka magaalada Qardho oo si weyn usoo dhoweeyay ardaydii ku guulaystay Tartankii Qur’aanka heer Puntland

Shacabka magaalada Qardho ayaa maanta si balaaran usoo dhoweeyay ardaydii ku guulaysatay tartankii Qur’aan kariimka ee heer Puntland, kaaso shalay lagusoo gabagabeeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ardayda lasoo dhoweeyay waxay kala ahaayeen.

Ciise Cabdullahi Canshuur oo kaalinta 1-aad ka galay tartanka sodonka Juz ee Qur’aanka

Maxamed Xaashi oo kaalinta koowaad ka galay tartanka juzka 10-aad ee Qur’aanka.

Ini Shiik Xasan oo kaalinta labaad ka galay juska 20-aad ee tartanka.

khaliil Axmed oo kaalinta labaad ka galay Juszka 5-aad ee tartanka Qur’aanka.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha ardaydaan soo hoyeen, taasoo muujinaysa sida magaalada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar ahmiyad uga leeyahay Qur’aanka kariimka iyo barashadiisa.

 

Comments are closed