abaaraha
|

(SAWIRRO) Madaxeynaha Dalka Turkiga uu ku guulaystay aftidii laga qaaday dalkiisa iyo hogaamiyayaasha caalamka oo usoo hambalyeeyay.

Hogaamiyaasha caalamka ayaa madaxweyanaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu dambalyeeyay guushii xooganayd ee uu ka gaaray codbixintii aftida ku aaddan in dalkaasi uu ka guuro nidaamka baarlamaaniga ah isla markaana u wareego nidaamka Madaxweynaha oo hoggaamiya laanta Fulinta ee dawladda.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ”HAA” ay ku guuleysteen aftida.

Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2029-ka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Madaxweynaha dalka Azerbaijani Ilham Aliyev  ayaa qadka taleefonka ugu sheegay Erdogan in natiijadaa ay kor uqaadidoonto  masraxa Tukrkigu ku leeyahay caalamka.

Amiirka  dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo madaxweynaha reer Falastiin ayaa sidoo kale Madaxweyne Erdogan u hambalyeeyay.

Sidoo kale, wadamada Sacuudiga, Hungary, Macedonia, Sudan, Kenya, Iraq iyo Pakistan ayaa sidoo kale usoo hambalyeeyay madaxweynaha Turkiga.

DAAWO SAWIRRADD.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login