abaaraha
|

(Sawirro) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Salaadii Ciida Saaka kula tukaday Magaalada Garoowe Kumanaan Dadweyne ah .

(Pi Garowe) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay kumanaan shacab ah kala qeyb galay tukashada salaada Ciidul fidri oo ka dhacday garoonka kubadda cagta Mire-awaare ee magaalada Garowe.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay salaadii ciida madaxwyene ku xigeenka dowladda Puntland Ing, Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey, mas’uuliyiin katirsan saddexda gole ee dowladda, salaadiinta iyo culima’awdiin.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo qudbad ka jeediyay salaadii ciida ayaa ugu ugu halbalyeeyay ummadda reer Puntland munaasabada ciida, isagoo ku booriyay inay lasii labo jibaaraan cibaadadooda alle ka cabsi.

‘’Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo Nabad,Horumar,Wadajir iyo Alle kacabsi,waxana ilaahay ka rajaynayaa in uu noo aqbalo soonkeeni,sakadeeni,Salaadeeni iyo ducadeeni’’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan .Isagoo dhinaca kale fadliga bishaan ku jira awgeed sheegay inay dowladdu cafis ufidisay 120 maxaabiis ah oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan Qatar amni ku ahayn dowladda iyo shacabka.

“ Waxaan farxad inoo ah inaan saakay ku ciidayno nabad galyo. Waxaan idiin xasuusinayaa inay jiraan ummad Soomaaliyeed oo aan haysan nabad galyada aan maanta ku ciidayno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay intii lagu jiray bisha Ramadaan inay waayeen dad badan oo qiimo ku lahaa agtooda. Wuxuuna codsaday in loo duceeyo.

Dhammaan deegaanada Puntland ayaa maanta si siman looga wada ciiday. iyadoo aanay jirin wax qilaaf ah oo ka dhashay bilashada bisha sida ay noo sheegeen wariyayaasheena ku sugan gobolada.

Sawiradda daawo.

DSC_5033 DSC_5034 DSC_5035 DSC_5036 DSC_5037 DSC_5038 DSC_5039 DSC_5040 DSC_5041 DSC_5042 DSC_5043 DSC_5044 DSC_5045 DSC_5046 DSC_5047 DSC_5048 DSC_5049 DSC_5050 DSC_5051 DSC_5052 DSC_5053 DSC_5054 DSC_5055 DSC_5056 DSC_5057 DSC_5058 DSC_5059 DSC_5060 DSC_5061 DSC_5062 DSC_5063 DSC_5064 DSC_5065 DSC_5067 DSC_5068 DSC_5069 DSC_5070 DSC_5071 DSC_5072 DSC_5073 DSC_5074 DSC_5075 DSC_5076 DSC_5078 DSC_5081 DSC_5082 DSC_5083 DSC_5084 DSC_5085 DSC_5086 DSC_5087 DSC_5088 DSC_5089 DSC_5091 DSC_5092 DSC_5093 DSC_5094 DSC_5095 DSC_5096 DSC_5097 DSC_5098 DSC_5099 DSC_5100 DSC_5102 DSC_5104 DSC_5105 DSC_5106 DSC_5107 DSC_5108 DSC_5110 DSC_5111 DSC_5112 DSC_5113 DSC_5114 DSC_5115 DSC_5116 DSC_5117 DSC_5118 DSC_5119 DSC_5120 DSC_5121 DSC_5122 DSC_5123 DSC_5124 DSC_5125 DSC_5126 DSC_5128 DSC_5129 DSC_5130 DSC_5132 DSC_5133 DSC_5134 DSC_5136 DSC_5137 DSC_5138 DSC_5139 DSC_5140 DSC_5141 DSC_5142 DSC_5143 DSC_5144 DSC_5145 DSC_5146 DSC_5147 DSC_5148 DSC_5149 DSC_5150 DSC_5151 DSC_5152 DSC_5153 DSC_5154 DSC_5155 DSC_5156 DSC_5157 DSC_5158 DSC_5159 DSC_5160 DSC_5161 DSC_5162 DSC_5163 DSC_5164 DSC_5165 DSC_5166 DSC_5167 DSC_5168 DSC_5169 DSC_5170 DSC_5171 DSC_5172 DSC_5173 DSC_5174 DSC_5180DSC_5185DSC_5196 DSC_5197 DSC_5198 DSC_5199 DSC_5200 DSC_5201 DSC_5202 DSC_5203 DSC_5204 DSC_5205 DSC_5206 DSC_5207 DSC_5208

Puntlandi.com-Garowe.

Comments are closed