|

(SAWIRRO) Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Gaas oo si balaaran oo loogusoo dhoweeyay Qardho.

Wafdigii uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlada Fedralka Soomaaliya Maxamed C.llaahi farmaajo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee Puntland, waxaana soo dhaweeyay kumanaan shacab ah oo iskusoo baxay.

Wadooyinka magaalada Qardho ayaa lagu xardhay Calanka Buluugga ah ee soomaaliya iyo calanka Puntland, sidoo kale Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada, waxaana sugaayay ciidamada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doonaWaxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo socdaalkiisa.

Boqor Burhan Boqor Muuse, ayaa wafdiga madaxweynaha ku casuumay xaflad qado sharaf ah.

Madaxweyne Famaajo ayaa sidoo kale dhagax dhigay wadada Eyl iyo Dangorayo, wadadaas oo ahaandoonta waddo laami ah oo qeyb weyn ka qaadandoonta horumarka Puntland.

DAAWO SAWIRRADA.

 


You must be logged in to post a comment Login