|

(SAWIRRO) Magaalada Qardho oo si fiican u roobsatay.

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa maanta waxaa ka da’ay Roob aad loogu diirsaday oo magaalada biyo dhig ka sameeyay.

Roobkaan ayaa qeyb ka ah xilli roobaadka Dayrta oo sanadkaan umuuqda mid aad u wanaagsan marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay oo roobka Dayrtu aad ugu yaraa dhulka Puntland.

Gobolada Nugaal, Mudug iyo Karkaar ayaa kamid ah degaanada roobku aadka ugu hooray.

SAWIRRADDA ROOBKA MAANTA QARDHO KA DA’AY.

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login