|

(SAWIRRO) Magaalada taariikhig ah Eyl oo horumar iyo bilic ku tilaabsatay.

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal, oo kamid ah magaalooyinka taariikhiga ah ee Puntkland kuna kutaala badweynta Hindi, ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ay ku tilaabsanaysay horumar iyo bilic soo jiidasho leh.

Magaaladu waxay noqotay mid kamid ah magaalooyinka loo dalxiis tago, iyada oo kasbatay qurbo joogta Puntland oo hadda doonaysa inay maalgashi ku sameystaan.

Eyl, waxaa haatan ka socda wado laami ah oo markii ugu horeysay laga hirgalinayo bartamaha magaalada, taasoo isku xiraysa labada xaafadood ee Badey iyo Daawad.

Sidoo kale, waxaa jira wado laami ah oo isku xiridoonta Garowe iyo Eyl, haddii wadadaas lagu guulaystayna waxaa xigidoona in Eyl ay yeelato deked, waxayna kamid magaaladu kamid ahaan doontaa mid kamid ah magaalooyinka ugu horeeya kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Daawo sawiradii ugu dambeeyay ee Eyl.

 

 

You must be logged in to post a comment Login