abaaraha
|

(Sawirro) Musharax Abshir Xasan Abshir oo si weyn loogusoo dhoweeyay magaalada Garowe.

Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Abshir Xasan Abshir oo kasoo kicitimay dalka Kenya , Waxaana ka qeyb galay soo dhaweyntiisa masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Odoyaal, Siyaasiin, Aqoonyahano iyo Dadweyne Fara-badan.

Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa horey Xildhibaan uga soo noqday Baarlamanka Dalka Soomaaliya,Wuxuuna sidoo kale ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brundi .
Musharax Abshir Xasan Abshir oo kula hadlay fagaaraha ay caanka ku tahay Garowe ee Barxadda boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa sheegay inuu u tartami doono Madaxweynaha Dalka Soomaaliya , Islamarkaana uu horseedi doono isbedel dhab ah haddii uu ku guulaysto hogaaminta dalka.

Musharaxa ayaa sheegay in %70 dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad dhalinyaro ah , Islamarkaana uu xooga saari doono sidii uu uga shaqeyn lahaa dib u heshiisiin waarta oo ka dhacda Soomaaliya.

Daawo Sawiradda.

img_4510-1 img_4513-1 img_4516-1 img_4518-1 img_4521-1 img_4524 img_4534 img_4535 img_4536 img_4537 img_4538 img_4543 img_4548 img_4551 img_4556 img_4559 img_4567 img_4579 img_4603 img_4607 img_4622 img_4629 img_4632 img_4638

Puntlandi.com

 

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n