|

(SAWIRRO) Shacabka Burtinle oo gurmadka qaran ee qarixii Soobe ugu yabooohay $10,000

Garowe (Puntlandi.com) Guddiga gurmadka qaran ee degmada Burtinle ayaa maanta Garowe ku wareejindoona lacag gaaraysa toban kun oo dollar ah oo ay shacabka reer Burtinle uga qeyb qaadanayaan gurmadka dadkii ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga oo saakay soo gaaray Garowe, ayaa lacagtaan ku wareejindoona guddiga culimada gurmadka ee lagu hagaajinayay lacagaha lagasoo kala aruuriyay degaanada Puntland.

Xaafid Cabdirisaaq, guddoomiyaha guddiga gurmadka, horeyna usoo noqday xoghayihii hore ee Burtinle oo la hadlay Puntlandi ayaa sheegay inay lacagtaan iskasoo aruuriyeen shacabka magaaalada Burtinle iyo shirkadaha ganacsiga, si gacan uga geysteen kasoo kabashada gurmadka xasuuqii Soobe.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login