|

(SAWIRRO) Taliska ciidanka asluubta Puntland oo dhiiri galin u sameeyay maxaabiista ku jirta xabsiga Garowe.

Taliska ciidanka alsuubta dowladda Puntland ayaa kulan ciyaareed dhiiri galin ah u sameeyay maxaabiista ku jirta xabsiga dhex ee magaalada Garowe.

Kulan ciyaareedkaan oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May, ayuu taliska wuxuu  u qabtay xulka kubbada xabsiga Garowe iyo koox kale oo ka socotay mid kamid ah xarumaha ganacsiga oo lagu magacaabo Carwo City Gate.

Ciyaartaan waxay ku dhamaatay 6 iyo 2 oo ay guusha ku raacday xulka xabisga.

DAAWO SAWIRRADDDA.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login