|

(SAWIRRO) Waa sidee dhaqdhaqaaqa dekeda magaalada Bosaso?

Dekedda Boosaaso waxaa ku soo xirtay Saddex doonyood iyo laba markab oo waaweyn , kuwaas oo qeybna lagu wado dajin iyo saarista xoolo la dhoofinayo .

Labada markab ee soo xirtay mid kamid ah waxa uu wadaa Shidaal , halka kan kalana uu wado sibir sida xogta ay igu siiyiin masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Dekedaha Puntland .

Doon wadda adeeg Ganacsi oo la dajinayo ayaa kamid ah saddexda doon ee dekedda ku soo xirtay , labada kale ee doon waxaa midkiiba la saarayaa xoolo tiradoodu gaarayso 10kun oo neef oo gudaha Dekedda ku diyaarsan.

 

You must be logged in to post a comment Login