|

(SAWIRRO) Wafdi ka socda dowladdaha Islaamka oo daawooyin gaarsiiyay Buuhoodle.

Waftigii Ka Socday Dowladdaha Islamka ayaa Maanta Soo Gaadhey Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Wafdigaan ayaa halkaas gaarsiiyay Daawooyin iyagoo u Kuur galay Xaalada Shuban Biyoodka Iyo Abaaraha Ka Taagan Deegaanka.

Wadamada Imaraadka, Sacudiga, Kuweit,  Maleysia, Cuman, iyo Turkiga ayay ka kala socdee wafdiga gaaray magaalada Buuhoodle.

 

You must be logged in to post a comment Login