|

(SAWIRRO) Wasaaradda shaqada, shaqaalaha dhalinyarada Puntland oo xustay maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada aduunka.

Masuuliyiin kala duwan ayaa madasha hadalo ka jeediyey, waxay dhamaantood ka hadleen muhiimada ay dhalinyaradu leedahay, iyagoo qaarkood ka sheekeeyey awoodaha iyo sida looga faa’iideysan karo.

Mukhtaar oo ka socday Ha’yadda World Vision ayaa dhalinyarada kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan Nabada iyo hormarka dalka, isagoo sheegay in World Vision ka go’antahay garab istaaga dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuu intaas raacshay inay muhiimad gaara u leedahay maanta.

Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha , Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ay maanta muhiimad gaara u leedahay, isagoo kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan isku xirnaantooda iyo hormarka wadanka, wuxuuna u mahadceliyey Ha’yadda Worlad Vison oo munaasabada qayb weyn ka qaadatay.

Maanta oo kale dunidda inteeda badan waxaa laga xusaa maalinta dhalinayada Adduunka , waxaana inta badan laga hadlaa caqabadaha hortaagan, awooda dhalinyarada iyo muhiimada ay ummadda u leeyihiin.

Sawirro.

Puntlandi.com

Comments are closed