|

(SAWIRRO) Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo sheegtay inuu guul kusoo dhammaaday imtixaankii guud ee shahaadiga.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare  ee dowladda Puntland ayaa maanta soo afmeertay imtixaanaadkii guud ee Puntland oo ay u fadhiyeen ardayda fasalada 4-aad ee dugsiyada sare iyo kuwo fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe oo imtixaanka galay maalintii sabtida ee 20-ka bishaan.

12,687 arday, ayaa imtixaankaan kaga qeybgalay 86 xarumood oo kuyaala gobolada Puntland.

Agaasimaha kormeerka waxbarashada Cabdiqaadir Yuusuf Nuux oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga taxadareen inuu imtixaanku yeesho wax qalad ah habo yaraatee. Wuxuuna sheegay inay kormeer ku hayeen imtixaanka tan iyo markii uu bilowday.

Halkan hoose ka dhegayso codka Agaasimaha.

Puntlandi.com

Comments are closed