|

(SAWIRRO) Wasaaradda waxbarashada Puntland oo qabatay shir dib loogu eegayo qorshaha waxbarashada Puntland.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo hay’adda Unicef, ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shir dib loogu eegayo wixii ka qabsoomay howl-galladii waxbarasho ee sanadkaan sii dhamaanaya iyo dajinta qorshaha labada sano ee soo socda.

Shirkaan oo ahaa mid balaaran oo sanadkiiba mar la isugu yimaado, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta sare sare ee wasaaradda waxbarashada. wakiilka hay’adda Unicef ee Puntland iyo hay’addo kale oo bah-wadaag la ah wasaaradda iyo Unicef.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, Maxamed Cabdulqaadir Cusmaan ayaa hoosta ka xarriiqay in 95% uu guulaystay qorshihii wasaaraddu degsatay sanadkaan 2017, isagoo sheegay in sanadkaan xooga la saaray tayaynta waxbarashada aas aasiga ah, waxbarashada gaarka ah, waxbarashada dadka waaweyn iyo waxbarashada xaaladaha degdeg ah.

Miisaaniyad ku dhow hal milyan oo dollar ayaa ku baxday fulinta mashaariicda waxbarasho ee Unicef ay maal galisay sanadkaan oo kaliya. Laakiin Sanadka 2018 ayay wasaaradda waxbarashada iyo Unicef ka wada shaqayndoonaan mashaariic kale oo kacaya saddex milyan oo dollar.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa sheegay mashaariicda waxbarashada ee sanadka 2018 inay ugaga faa’idaysandoonaan qorsheyaal u degsan oo uu kamid yahay in lasoo saaro buugaagta waxbarashada, si arday kasta oo reer Puntland u helo buug uu wax ka baran lahaa, arrintaasna wuxuu sheegay inay ballanqaaday Unicef.

Dr. Maxamed Cali Faarax waxaa uu sheegay arrimaha shirkaan xooga lagu saaridoono inay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa nidaamka waxbarashada iyo xirfada shaqaalaha waxbarashada.

Abdiweli Mohamed Sheikh.

DAAWO SAWIRRADA.

 

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login