|

(SAWIRRO) Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland oo qaadaya gurmadka dowladdu udirayso Muqdisho

Dowladda Puntland ayaa gurmadkii ugu horreeyay gaarsiineysa magaalada Muqdisho, dawooyin iyo agab caafimaad oo ay dhakhaatir waheliyaan ayaa lugu wadaa inay diyaarad ka qaado Garoowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke iyo guddigii arrintaan loo xil saaray ayaa deeqdan garsiinaya magaalada Muqdisho.

Dowladda Puntland waxay noqonaysaa dowlad-gobolleedkii ugu horreeyay oo gurmad ay diyaarad sido geynaya Muqdisho, kaddib qarax boqollaal rayid u badan ay ku dhinteen oo ka dhacay 14 bishan isgoyska mashqulka badnaa ee Zoobe.

Gurmadka Daawo ayaa lagasoo saaray kaydka daawooyinka ee wasaaaradda caafimaadka Puntland.

DAAWO SAWIRRADA.

 

Comments are closed