|

(SAWIRRO) Wasiirka caafimaadka Puntland oo daahfuray xarunta hooyada iyo dhallaanka ee xaafada Israac Garowe

Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Puntland ayaa Maanta xaafada Israac oo kamid ah xaafadaha magaalada Garowe ka howlgaliyay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee loo yaqaano MCH, xaruntaas oo wax badan taridoonta dadka xaafada ku nool iyo dariskooda.

Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Cuuke oo Xarunta cusub furay ayaa sheegay dhismahaan in horay loo dhisay balse aan lagu shaqayn Jirin.

Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay xaruntaan cusub inay hirgalinteeda ku howlanaayeen muddo labo sano ah oo ay dadaal xoogan ugu jireen in goob caafimaad loo helo dadka xaafadaan ku dhaqan.

Wuxuu sheegay wasiirku xaruntaan inay si wanaagsan uga faa’idaysandoonaan hooyooyinka uurka leh, kuwaas oo ka helidoonaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah iyo talooyin ku saabsan caafimaadkooda, sidoo kale waxaa ka faa’idaysandoono dhallaanka iyo guud ahaan carruurta.

Wuxuu kula dardaarmay shacabka xaafada Israac inay xaruntaan si wanaagsan uga faa’idaystaan, haddii aan si wanaagsna looga faa’idaysan wuxuu sheegay inay sii socondoonin adeegyada lagu bixindoono.

Halkaan ka dhageyso codka wasiirka.

Comments are closed