|

(SAWIRRO) Wasiirka caafimaadka Puntland oo xariga ka jaray xarura caafimaadka ee deegaanka Xaarxaar.

Wasiirka caafimaadka dowlada Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa xariga ka jaray MCH tuulada Xaarxaar oo dhismihiisa ay iska kaashadeen dowladda Puntland iyo Bulshada Degaanka. Waxaa kaloo wasiirku howl galiyay MCH kulmiye oo Burtinle laga dhisay kharashkiisha ayuu Shaaciyay 3 sano inuu diyaar Yahay.

Xildhibaan Axmad Jaamac oo ka hadlay furitaanka McH Tuulada Xaarxaar ayaa sheegay in door aan la ilaawi karin ka ciyaartay hirgalinta MCH

Gudoomiyaha dagmada Burtinle Maxamad Maxamuud Buurdibi ayaa ku ammaanay doorka Caafimaadka dagmada ay ka qaadatay Wasaaradda caafimaadka.

Bulshada xaafada Israac ee dagmada Burtinle ayaa sheegay inay baahi uqabeen MCH Waayna ka mahad Cesheen Hirgalintiisa.

Wasiir Cuuke waxaa uu kormeer ku tagay dhismaha isbitaalka Xarfo oo wasaaradda caafimaadku bilowday howl baaxad leh ayaa ka socotay.

Maamulka Dagmada Xarfo iyo odayaasha ayaa umahad celiyay wasiirka Dedaalka uu gashay in isbitaalka Xarfo dhismo waxa ayna balan qaadeen inay garab Ku siinayaaan wasaaradda shaqada Culus ee ka socota isbitaalka Dagmada Xarfo.

Waftiga wasiirka Waxaa wahilayay Saraakiil ka socota Haayada wold Vition oo iyada wasaarada Caafimaadka Puntland kala shaqeysa arrimaha Caafimaadka.

Cabdi naasir Cismaan Cuuke waxa uu horay Xariga uga soo jaray xarumo Caafimaad oo kuyaala Tuulada Baq Baq, Budanbuto, Diilin, Suubaan,Yoonbays iyo isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka oo laga Hirgaliyay Dagmada Eyl.

 

Puntlandi.com

Comments are closed