abaaraha
|

(Sawirro) Koobkii dhalinyaradda ee ka socday Garoonka Cabdilaahi Shiikh Garowe oo laso gaba-gabeeyay

(PI Garowe) Waxaa galabta Garoonka Cabdilaahi Shiikh ee Puntland Fidness Center Garowe lagu soo gaba-gabeeyay koobka dhalinayarada bisha barakaysan ee Ramadaanka la qabto.

Toban kooxood oo dhalinyaradda Garowe ka mid ah ayaa ka qayb galay tartanka oo xiiso gooni ah lahaa, waxana koobka ku guulaystay koox la yiraaho Aabbe Goome oo ay u ciyaarayeen inta badan laaciibta Da’da yar ee magaalada Garowe.

Gaba-gabada koobka waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha ciyaaraha Gobalka Nugaal, masuul ka socday wasaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, iyo madaxa Garoomadda Cabdilaahi Shiikh Cabdiqaadir Cali  Juula iyo dadwayne kale oo ciyaarta usoo daawasho tagay.

Cabdiqaadir Cali Juula oo masuul ka ah garoomadan ayaa sheegay koobkan inuu kusoo idlaaday jawi wanaagsan ayna ka gaareen meeqaamkii ay ugu talo galeen, wuxuna u mahad celiyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay qabsoomida tartanka.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobalka Nugaal Cabdikariin ayaa isaguna u mahad celiyay kooxdii koobka qaaday iyo mamulka Garoonka, wuxuuna sheegay bacdal Ciid inay qaban doonaan tartamo ciyaareed oo kala duwan.

Caawa sidoo kale waxaa Garoonka Cabdilaahi Shiikh lagu soo gaba gabeynayaa koob kale oo habeenkii la ciyaaro kasoo ay ku jireen xitaa labo kooxood oo wariyayaal ah balse ka haray koobka. koobkaasi waxaa loo qabtay dhalinyaradda cuslaatay.

26 25 24 23 22 21 20 18 19 17 1214 15 16 11 10 9 8 7 6

Puntlandi

22222Puntlandi.com-Garowe

Comments are closed

aet