|

(Sawirro+Warbixin) Madaxweynaha dowladda Puntland oo xariga ka jaray carwada bandhiga buugaagta ee Garowe.

(Pi Garowe) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray carwada bandhiga buugaagta ee magaalada Garowe, taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan iyo dadweyne aad u badan oo xiisanayay inay ka faa’idaystaan buugaagta cilmiga ka buuxo ee madasha lagusoo bandhigay.

Bandhigaan oo ay iska kaashadeen machadka SIDRA iyo shirkada daabacaada ScanSom ayaa ah midkii ugu weynaa ee lagu qabto Puntland waxaana lagusoo bandhigay 572 buugaag ah oo  diiradda lagu saarayey dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida, Murtida Soomaalida iyo Hodontinimada Afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa madasha ku sugnaa 46 qoraayaal ah oo isaga kala yimid dalka iyo dibadiisa.

Agaasimaha machadka horumatinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay muhiimada loo qabtay inay tahay, sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha wax qorista iyo wax akhriska, si loo helo mujtamac wax akhriya, waxna qora si looga baxo dhaqanka hadalka iyo fadhi ku dirirka.

Guuleed Saalax Barre wuxuu wax lagu faano ku tilmaamay in maalgelinta bandhigaan ay leedahay dowladda Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna sheegay tilaabadaan inay meesha ka saarayso in taageero la weydiisto gacmo shisheeye.

Suugaan yahan Axmed Faarax Idaajaa oo ku hadlayay magaca qorayaasha kasoo qeyb galay munaasanadda ayaa uga mahad celiyay dowladda Puntand qabashada bandhigaan qaran, isagoo sheegay inuu la yimid labo buug oo sheekooyin ah oo uu doonayo in ay dadku iibsadaan si ay cilmi uga helaan.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa bandhigaan ku tilmaamay fursad weyn oo uu qofku kaga heli karo cilmi kala duwan oo waxtar leh, sidoo kalena uu kula kulmi karo qoraayaashii cilmigaaga qoray.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay bandhigaan inuu dirayo farriin ku saabsan, dhul amni ah oo lagu qaban karo bandhig iyo dad u heelan soo dhowaynta aqoonta.

Madaxweyne Gaas oo balanqaaday inay dowladdu iibsandoonto qeyb kamid ah buugaagta lasoo bandhigay ayaa shacabka ku dhiiri geliyay inay iyagana iibsadaan buugaagta, si ay dhiiri gelin ugu noqoto qoraayaasha waqtiga badan geliyay cilmigaan islamarkaana meel dheer ugasoo tagay inay Garowe kusoo bandhigaan.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu shaqo la qabo inay ugu adag tahay qorista buugaagta, sidaas oo ay tahayna wuxuu tilmaamay inay aad u yartahay faa’idada laga helayo, balse wuxuu sheegay muhiimada ugu weyn inay tahay, in qorayaasha dhaxal qiimo leh uga tagaan dadkooda.

Bandhigaan ayaa socondooona muddo saddex cisho, waxaana jiridoo moqduucyo ay jeedindoonaan qorayaasha.

Daawo Sawiradda.

_DSC7474 _DSC7478 _DSC7480

_DSC7482 _DSC7492 _DSC7495 _DSC7504 _DSC7503 _DSC7501_DSC7506 _DSC7508 _DSC7510 _DSC7515 _DSC7512 _DSC7511_DSC7516 _DSC7518 _DSC7519 _DSC7524 _DSC7522 _DSC7520_DSC7526 _DSC7527 _DSC7529 _DSC7532 _DSC7531 _DSC7536_DSC7541 _DSC7538 _DSC7540 _DSC7546 _DSC7544 _DSC7537_DSC7548 _DSC7552 _DSC7554 _DSC7559 _DSC7557 _DSC7555_DSC7563 _DSC7568 _DSC7571 _DSC7581 _DSC7576 _DSC7573_DSC7603 _DSC7609 _DSC7619 _DSC7618 _DSC7612 _DSC7622 _DSC7623 _DSC7624_DSC7627 _DSC7633 _DSC7634 _DSC7644 _DSC7638 _DSC7635_DSC7646 _DSC7647 _DSC7651 _DSC7655 _DSC7654 _DSC7653_DSC7661 _DSC7662 _DSC7678 _DSC7667 _DSC7665 _DSC7659_DSC7689 _DSC7690 _DSC7698 _DSC7701 _DSC7699 _DSC7712 _DSC7715_DSC7723 _DSC7727 _DSC7740 _DSC7760 _DSC7759 _DSC7742 _DSC7764 _DSC7765 _DSC7761_DSC7768 _DSC7771 _DSC7772 _DSC7773 _DSC7775 _DSC7777 _DSC7778 _DSC7779 _DSC7781 _DSC7784 _DSC7787 _DSC7791 _DSC7793_DSC7799 _DSC7802 _DSC7804 _DSC7811 _DSC7812 _DSC7813 _DSC7823 _DSC7820 _DSC7815 _DSC7834 _DSC7835 _DSC7827 _DSC7836 _DSC7839 _DSC7842

Puntlandi.com

Comments are closed