|

Saxaafadeena: xil baa ka saaran dadka iyo dalka. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan


Had iyo goor waxaan arkaa oo shabakadaheena (Soomaaliga) aan ka aqriyaa warar sheegaya in lagu xad-gudbay weriyeyaal hawshooda gudanaya runtii waa arrin aad looga xummaado haddii sida wararka badankood u qoranyihiin ay run tahay oo aysan saxaafaddu qallinka ku aarsanayn, laakiin waxaa sida muuqata aad moodaa in saxaafaddeenu iyo maamulada ka jira Soomaaliya DFKMG, Puntland, iyo Somaliland uusan jirin is faham xagga qaynuunka iyo siyaasadda ah oo ay ku wada shaqeeyaan si saxaafaddu u ciyaarto kaalin wax ku ool ah oo ummadda wax tar u ah, taasoo aad moodo in labada dhinacba ay ka maqantahay.

Waxaa la oran karaa in saxaafaddeena inta badan ay u shaqayso si loo qaadan karo in iyadu khaladka yeelanayso haddii la xisaabtamo, maxaa yeelay weriyeyaasheena waxaad is leedahay waxay ka boodaan qodobo sharci ahaan xagga shaqada muhiim ahaan lahaa oo xakamayn lahaa ama yarayn lahaa in saxaafadda oo markeeda horaba ay ka shakisanyihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay is ka hor yimaadaan.

Arrinta ugu muhiimsan ee wada shaqayn la’aantan ay ka timid ayaa iyadoo ay sababo kale oo badan jiraan ay tahay in xoriyadda saxaafadda aan si loo wada fahamsanayn, waxaana loo baahanayahay inta aan lagaba hadlin xoriyadda saxaafadda in maanka lagu hayo inuu jiro qaynuun saxaafadeed si loo macneeyo xoriyadda saxaafadda, taasi macnaheedu waxaa weeye xoriyad kasta oo la sheego waxay hoos joogtaa oo marti u tahay sharciga iyo qaynuunka ummaddu leedahay, sidaa daraadeed weriyuhu xoriyaddisu sida qaybaha kale ee bulshada waa mid uu xaddidayo qaynuunka.

Ma jiro wadan mid kale kala mid ah qaynuunka saxaafadda, iyadoo ay mar kasta ku xirantahay diinta mujtamaca wadankaas uu haysto, caadooyinka iyo dhaqamada mujtamacaas gaarka u leeyahay,waxaana intaas dheer xaaladaha siyaasadeed xasaasiyadaha ka dhalan kara, sida wadanka oo dagaal gala, ama daruufo siyaasadeed oo ay xukuumadda jirta ku macnaysay Qatar la soo gudboonaadaan, markaasna sida dhaqanka saxaafadda u adeegaysa danaha dadkeeda iyo dalkeeda lagu yaqaan siyaasaddeeda waxay ku wajahdaa badbaadinta qarankeeda iyo danta caamka ah, waxayna raacdaa hab kasta oo ay is leedahay maanta wax ku caymi.

Tusaale ahaan, waxaan filayaa inaad marar badan aragatay ama aad maqashay niman madax ahaa oo danbiyo ay dalkooda ka galeen waqti ay wadankaas wax ka ahaayeen, la soo ban-dhigay sawirro iyo muuqaalo video ah markii ay xukunkii ama maamulkii ka tageen muddo ka dib, taasi waxay ku tusaysaa macnaha xirfadda saxaafadda (Professionalism), sababtu waxay tahay saxaafadda sawirradaas ama video-gaas soo gudbinaysa waxay waagii ay dhacdadu taagnayd garowsatay inaysan xiligii ay dhacdadu taagnayd ku haboonayn in la soo ban-dhigo arrimihii socday iyadoo ka fiirinaysa badbaadinta danta caamka ah, waana middaas gun-dhigga ujeeddada qaynuun kasta oo aduunka ka jia (Ammaan).

DHaqan ahaan ninka siyaasiga ah wuxuu leeyahay xirfad dabiici ah oo ninba heer u joogta taasoo sal u ah siyaabaha uu ula dhaqmayo saxaafadda, sida; inuu waqtiga loo baahanyahay hadalkiisa uu diido inuu waramo, in xaaladaha uu ogyahay in looga jid leeyahay inta la xasuusanyahay uu saxaafadda ka fogaado, in uu sugo oo uusan ka hor marin inta uu ka hadlayo siyaasiga isaga ka soo hor jeeda, inuu sugo inta uu ku guulaysanayo arrimaha ay isku hayaan siyaasiyiinta ka soo hor jeeda ama arrimo adag oo hor yaala, waxyaabahaas oo dhan waa qayb muhiim ah oo loo baahanyahay weriyaha inuu fahmi karo(Psychological) si uu habsami ugu guto hawlihiisa war-baahineed ee uu dadka iyo dalka u hayo.

Siyaasiyiinteena maanta dhammaantood ama aan iraahdo badankood ma laha hab dhaqankaas, laakiin waxaa wax kasta isku fuuqsaday in badan oo ka mid ah weriyeyaasheena oo aan raacayn xeerarka iyo anshaxa sal-dhigga u ah shaqadooda taasoo ay ku badbaadi lahaayeen iyaga iyo agabka ay ku shaqayniyaan haddii ay raaci lahaayeen.

Soomaaliya sida xaalkeedu yahay marka laga fiiriyo burburka wadanka gaaray iyo sida nidaamkii iyo kala dambayntii u maqanyihiin ayaa qofka weriyaha ah laga rabaa inuu maanka ku hayo marka ugu horaysa inuu qallinkiisa ugu adeego sidii dhibaatada baaxadda weyn ee ummadda ku dhacday looga saari lahaa, marka aan sidaas leenahay waxaa ka hadlaynaa weriyeyaasha Soomaaliyeed ee u shaqeeya war-baahin ay Soomaali leedahay, ee uma jeedno BBC-da iyo VOA-da ama kuwa la dabeecadda ah ee u adeegaya siyaasadda iyo danaha dalal kale oo shisheeye ah.

Weriyaha Soomaaliga ah waxaa maant hor yaala waajibaad ka weyn kan dadka mas’uuliyadda sheeganaya ama madaxada siyaasadda ah, ama odayaasha dhaqanka ah saaran, maxaa yeelay sababaha war-baahinta loo samaystay baa dhammaan waxay yihiin kuwo soo koobiya mas’uuliyadda siyaasadeed iyo maamul ee ay ummad u baahantahay, sidaa daraadeed qofka weriyaha ah waa inuu yaqaan ujeeddada war-baahinta inay tahay ilaalinta danta guud ee mujtamaca ay u adeegayso, isla markaasna uu maanka ku hayo muhimadda ugu weyn inay tahay ilaalinta maslaxadda ummaddiisa.

Ma aha saxaafadda Soomaalidu u baahantahay mid Liberal (mid iska furan) ah sida dad badan ka aaminsanyihiin, saxaafadda aduunka oo dhanna ma aha kuwo iska Lugtaa-uran ah, saxaafad kastana dan baa loo furaa iyadoo hoos tagaysa qawaaniinta dalka ay ka jirto, isla markaasna aan ku xad gubayn nabad-gelyada, dhawrayana dhaqan kasta oo ay aaminsanyihiin dadka dalka ay ka shaqayso ku nool iyo waxyaabaha ay qiimeeyaan.

Marka laga hadalyo saxaafad cidda yeelan karta ayaa sida ugu dhow ee loo qeexi karo ay tahay bulsho il-bax ah, oo danaynaysa adeeg, horumar iyo nolol xisaabtan ku salaysan, marka aan sidaas leennahay waxaad fahmi kartaa in saxaafaddu mujtamaca isku hayso xoogiisa iyo jiritaankiisa ilaaliso, waxaana tusaale fiican kuugu filan sida ay u shaqayso saxaafadda dunida horu martay, waliba waddammada qaarkood hadda waxay gaareen inaan lagu samayn wax Faaf-reeb ah (Censorship) waayo weriyuhu wuxuu raacayaa xeerka saxaafadda (Media-law), laakiin waxaa intaas oo dhan ka weyn weriyeyaasha oo yaqaan adeegga bulshadooda uga fadhido ama ay u baahantahay, mana aha taas mid hoos imaanaysa siyaasadda idaacadda ama wargeyska uu qofka u shaqeeyo macnaha House policy waxa loogu yeero oo iyadaa ka weyn.

Marka laga hadlayo saxaafadda maxay qabanaysaa ayaa lagu soo koobi karaa Xog (Information) inay mujtamac la socodsiiso waxyaabaha ka dhacaya agagaarkiisa iyo xaaladaha ku meeran mujtamacaas iyo noloshiisa, iyo guud ahaan arrimaha ka dhacaya caalamaka iyo siyaabaha ay saamaynta ugu leeyihin mujtamacaas.

Digniin(Surveillance) inay uga digto xaaladaha khatarta ah eek u soo wajahan mujtamaca, sida colaad soo socota (Dagaal), ama duufaan laga baqayo , iyo Wax-barid oo ah in mujtamaca lagu wacyi geliyo qaybaha kala duwan ee aqoonta iyo mas’uuliyadda ay nolosha mujtamaca u baahanatahay.
Waajibaadka saxaafadda mujtamaca u adeegaysa marka la soo koobo waa raadinta iyo soo ururinta iyo inay u soo gudbiso mujtamaca arimahaas aan soo sheegnay, laakiin saxaafaddu ma aha askari DHar-cad ah (Plain Cloth Police) weriyuhuna qaabkaas oo kale uma shaqayn karo qaynuun ahaan, mana u shaqayn karo sidii askari Sir-Doon ah (Secret Agent), mana u shaqayn karo qaab Basaas oo kale ah(Spy) shaqadiisana ma aha inuu daba galo Xanta qof kale(madax, qof la yaqaan iyo qof aan la aqoon), mana aha qofka weriyaha ah inay isaga khaldamaan waxa shaqadiisu tahay iyo xanta uu maqlo, ama sheeko aan inuu shaaciyo loo siin (Off record ama Tip-off) weriyuhu, isagoo ururinaya war (News) inta yimaado meelaha uu warka ka rabo isma qarin karo ama isuguma sheegi karo wax-kale oo ka duwan shaqadiisa, waana meelaha inta badan la tuhmi karo inay ka mid yihiin dabeecadaha keena khaladaadka saxaafadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka dhex dhaca.

DHamaan arrimahaas iyo qaababka aan kor ku soo sheegnay qofka Weriyaha ah int uusan dhex gelin waxaa ka horeeya inuu is weydiiyo : warka aad qaabkaas u raadisidee maxaad rabtaa inaad gaarto?! Maxay caaqibada ka soo baxaysa tahay? Yaad warka ugu danaynaysaa? Adiga marka lagaa reebo haddii ay wax-yeelo ka timaado warkaas yaa kale oo ay wax-yeeladu gaaraysaa? Ma dad-weynahaa? Ma xukuumaddaa? Ma dano meelo kale ku xirnaa oo dalku lahaa baa? Ma …is weyddii maxaad warkan muhimmaddaas u siinaysaana?!….

Marka laga soo tago saxaafadda Yellow journalism-ka ama kuwa waraaqaha yar-yar ee Tabloid-ka ah saxaafadda kale oo dhan iskuma mashquuliso inay war (News material) sidaas ku raadiso, waa ay dhacdaa in marar saxaafaddu samayso baaritaan (Investigative Journalism) laakiin taas macnaheedu ma aha inaad war soo xado ama dad sheeko gaar haysta intaad soo dhegaysato aad war ahaan u soo qorto.
Saxaafadda baaritaanka ay samayso waa mid asalkiisu ka soo jeedo xog rasmi ah oo jirta oo aan la soo xadayn, xan lagu raadinayn, tusaale ahaan nin eedaysana ah oo bay maxkamad xukuntay, laakiin waxaa jira wax ay dad-weynuhu tebiyaan oo go’aankaas ay maxkamaddu gaartay ku dhex maqan, saxaafaddu markaas waxay xaq uleedahay inay baaritaan ku samayso arrintaasoo kale iyadoo wado sharci ah maraysa, eedaysanaha inay xabsiga ugu tagto soo waraysato, qareenkiisa la kulanto, reerkiisa (waalidkii, xaaskiisa, iyo walaalihii…) wax soo weydiiso, xafiiskii eedaysanaha baaritaanka ku sameeyay qoraalada ay ugu baahantahay ee la xiriira ninkaas sidii loo baaray ay ka soo hesho, dad sharci yaqaan ay wax ka weydiiso xogta ay soo heshay maxaa ka khaldan maxaa sax ah….u fiirso waxa oo dhan waxay soo marayaan dhabo cad oo rasmi ah oo la wada ogyahay, waa ay jiraan waxyaabo aan weynayn oo haddii la huri waayo soo dhex gelaya inaad caqli ku raadiso laakiin ma aha marna inaad war xadayso.

Waxaa sidaasoo kale baaritaanada noocaan ah lagu samayn karaa hay’ad kasta iyo shakhsi kasta oo danta caamka adeeggeeda ku dhax jira, laakiin marna ma aha inaad sidii basaaskii u shaqaynayso, ama aad xan derbiyada lala taaganyahay xog ka dhigayso, hadhowdiina uu sharciga ku difaaci waayo ama mujtamicii aad lahayd iyagaan u adeegayaa ay kuu arkaan shakhsi dano kale oo isaga u gaar ah lahaa.
Baaritaannada noocaan marar bay sanado qaataan, ama bilo, ama maalmo, laakiin dariiqa la marayo ma aha inuu yahay mid mugdi oo xog la soo xadayo ama la gadanayo, marka ay saxaafaddu samaynayso baaritaan iska dhaqaaq oo adiga samee ma aha, haddii aad sidaas yeesho macnaheeda waxaa weeye askarta aan kor ku soo sheegnay shaqadoodii baad haysaa ama qabatay.

Baaritaanka noocaan marka saxaafaddu samaynayso, qofka weriyaha ama labada qof waxay arrinta u soo jeedinayaan Tafaf-tiraha ama madaxa maamulka, ama qofka iska leh hadba wakaaladda wararka ee ay u shaqeeyaan (Proprietor-ka) inay rabaan inay sameeyaan baaritaan la xiriira arrinta ay markaas rabaan inay baaraan, markaas ayaa la laysla fiiriniyaa inay arrintaas ku haboontahay in baaritaan lagu sameeyo iyo in kale, waxa ugu muhiimsann ama dhinaca ugu muhiimsan ee laga eegayo waxay tahay maxaa maslaxad ah oo ugu jira ummadda? Waayo mararka qaarkood halis baa ka imaan karta baaritaannada noocaan oo kale ah, maxaa yeelay waxa la baarayo ama khaladka la tuhunsanyahay ee la baarayo dhinacyada sameeyay ama danta ku qaba iyo weriyaha/weriyeyaasha baaray shaki la’aan waxaa dhex maray dagaal xagga qaynuunka ah mararka qaarkoodna xanaaq uu ka dhalan karo….marka baaritaanku waa in lagu wada qancaa baahida loo qabo, iska samee ma aha….
Haddii aan la soo marin talaabooyinka iyo waddada haboon marka uu qofka weriyaha ah baaritaanka samaynayo, waxaa muuqanaya in qof weriyaha ah ku jir hawl dabeecad ahaan ka duwan shaqadiisii, maamulada ama dowladdana shaki ku bauuri kara, isla markaasna keena inay iska ilaaliyaan dagaalna la galaan, iyagoo u arkaya in xogta uu raadinayo aysan ahayn adeeg bulsho una ama uu yahay basaas cadow u ah, halkaasna waxaa ka abuurmay xaalad mad-madow ah iyo jawi adag oo ayasan saxaafaddu ku gudan karin waajibaadkeedii iyo adeeggii ay bulshada uga fadhisay.
Si aysan taas u dhicin War-baahinta ayaa laga rabaa inay ciyaarto kaalin aqoon ku salaysan isla markaasn abuuri karta jawi ay hawlaha iyo adeegga ay ummadda u hayso ku gudan karto, taasi macnaheeda waa inaad fahamto in maamulka siyaasadeed ee jira uu ka mid yahay dadka aad u adeegayso ee uusan ahayn col lagu yiri xan ka keen, been ha ka sheegin, siyaasadddiisa hadba sida ay adigu kula tahay oo kleiya ha u turjumin , marna yaan siyaasadda idaacaddaada, ama war-geyskaaga lagu tuhmin inay dano gaar ah fulinayso, sidaasoo kalana siyaasaddaada yaysan noqon mid aan la fahmayn ama aan cadayn, ha u kala eexan mucaaradka iyo muxaafadka (Mucaaradka iyo Maamulkaba way yeelan karaa idaacado siyaasadahooda fuliya) laakiin haddii aad tahay idaacad ama war-geys labadaba ka madax banana haddana dhinac ha la safan, isla markaasna maanka ku hay inaad adiga iyo iyagaba dalka u simantihiin una wada adeegaysaan, waad muujin kartaa adigoo falanqayn iyo dhiraandhirin samayniya (Analyzing ) ra’yiga kula quman, isla markaasna garanaya xadkaaga qaynuun ahaan, macnaha Qiiro wax ha ku sheegin ama ha ku qorin, waayo taas waxay keenaysaa oo keliya inaad ka baxdo xuduuddii shaqadaada.
Tan kale ee yaabka ah oo aysan wax badan ka taxadarin saxaafaddeena oo dhib weyn ku haysa hanaankii siyaasadeed ee dalka iyadoo ay war-baahinteenu buunbuuniso warar ay ka qaataan qowlaysato shisheeye ah oo ceebayniya maamulada ka jira dalka ama mas’uuliyiin ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay uga fushadaan arrimo gaar oo aan xataa la fahamsanayn ujeeddadooda, laakiin ku eedeeya arrimo ay ka mid yihiin (hadba xaalka dalkaas siduu yahayee) colaad hurin, musuqmaasuq, inay arrimo kale oo siyaasadeed uguna soo marmarsoonaya xeerar lagu sheego caalami oo waliba dad gaar ah ay samaysteen, waxaana muuqanaysa inaysan saxaafaddeenu fikrad fiican ka haysan siday ula dhaqmi lahaayeen diplomats-iyiinta iyo siyaasadaha dibadda eek u wajahan Soomaaliya, waxaana aalaaba dhacda in saxaafadeena marna wax shaki ah ka gelin ama aysan gelin wax kasta oo diplomats-yiinta shisheeye ay ka sheegaan guud ahaan dalka, gaar ahaana siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyadoo waliba warkaas laga yaabo in looga dan leeyahay in lagu bah dilo siyaasigaas si loo oggolaysiiyo arrimo gurgurucan oo uu ka dhiidhiyay.
Weriyuhu kama weyne sharciga, waxaana hubaal in haddi uu ilaaliyo dhexdhexaadnimmada warkiisa in danta caamka ah ee ummadda u dhexaysa ay dhowrsanaanayso wriyuhuna badbaadayo, Weriyuhu ninna axsaan yuusan u samayn laakiin qaynuunka saxaafadda ilaali, qofka sharaftiisa meel yuusan uga dhicin, ma jiro qodob keliya oo ka mid ah qaynuunka saxaafaadda oo fasaxay in qofna la af-lagaadeeyo.
DHibaatada ugu weyn guud ahaan waxay ka imaanaysaa Website-yada aan war-baahinta u isticmaalno oo badankood u shaqeeya sida social-media-ha, waxaad arkaysaa webka inuusan ahayn mid saxaafadeed, waxay indhuhu si dhib yar u qabnayaan in webku uusan waxba ka duwanayn War-baahinta xiriirka bulshada ( social media-ha) waayo Industrial-media iyo Social media waxayaabaha ay ku kala duwanyihiin ama lagu kala garto waxaa ka mid ah industrial-media-ha wuxuu u baahanyahay takhasus iyo xirfad shaqo oo loo soo taba barto, laakiin social-media-ha uma baahna oo qof kasta wuxuu doono oo ra’yigiisa ah ayuu siday la tahay isaga soo qoraa, midda kale ee intaas ka muhiimsan waa iyadoo uusan marayn nidaam lagu jaan gooyay qaynuunka iyo anshaxa war-baahinta, waayo waa war-baahin dad-weyne ee ma aha Media Organisation,waana habka khaldan ee loo isticmaalay website-yadeena war-baahinta (Meida Organisation) inoo ah.
Weriyuhu been ma sheegi karaa?…..A’!.. Waa Wareey!…Bal hadda u fiirso KHatartan, nin weriye ah oo ka shaqayniyay idaacad ku taala Muqdisho ayaa isagoo Nairobi jooga idaacaddii uu u shaqayniyay soo wacaday waxaa lagu yiri “Ninyahow suuqii Bakaaraha maanta dollar-kii baa aad u dhacay, waxaan kaa rabnaa si loo kiciyo dollar-ka inaad sheegto waxaa maanta shirka (Mbagathi) ku dagaalamay Muuse Suudi iyo Max’ed -dheere, …” saacaddaas iyada ah labada nin oo isla socda waxay la joogeen Alle ha u naxariistee ImaamMax’ud Imaam Cumar, isla markiiba warkaas markuu idaacadda ka baxay waxaa heegan galay kooxihii labada nin kala taageerayay, abaabul colaadeed baa bilowday, labadii nin si aan kala go’ lahayn baa taleefono ugu soo dhceen….
Waa markaan oo kale marka aad ogaanayso wax tarka iyo muhimadda ay leedahay in weriyuhu soo maro taba bar la xiriira xirfadda uu ku shaqayniyo, waayo qofka weriyeha ah wuxuu turjumayaa luuqadda siyaasadeed ee mujtamaca uu suxufiga u yahay,wuxuu u macnayniyaa siyaasadda ummadda,sidaasoo kalana dhegaha hoggaanka siyaasadda gaarsinayaa codka mujtamaca, xogta uu bixinayo waxay mararka qaar horseedi kartaa khatar aan laga soo waaqsan, waxaa la kicinayaa dollar, laakiin weriyahan wuxuu qiyaasi kari waayay cirib xumida kale ee ka imaanaysa inta ay la egtahay.
Marka ay timaado in Faalo la qoro ayaa waxaa marka hore haboon in Webka ama War-geyska, ama Raadiyaha ama TV-ga ay leeyihiin koox faalada u soo diyaarisa oo u soo qora Media organization-kaas , marka sidaas la leeyahay ma aha in aqoon keliya kooxdaas lagu xulay laakiin waxaa ka muhiimsan inay aaminsanyihiin siyaasadda Media-ha ay u shaqeeyaan isla markaasna lagu ogyahay inay ilaalinayaan danaha guud ee mujtamaca ay u adeegayaan si ay uga ilaaliyaan in la marin habaabiyo.
Hab qoraalka faallada ayaa ah badanaa fikrad qofeed, waa fikrad qof keliya leeyahay qaadaa-dhigna lagu samaynayo arrin (Topic), wuxuuna qofkaas diiradda saarayaa arrinkaas isagoo si qof ahaaneed muhimadda arrinkaas tilmaamaya, laakiin ka war-baahin ahaan Arrinka maalintaas laga faalooniyo waxaa soo xulaya kooxdaa oo uu madax u yahay Tafaf-tiraha, waxaana markaas ka dib hubin ku samayniya oo tafaf tiraya Tafaf-tiraha arrinta faaladaas ka hadlayso u qaabilsan Media-haas, waxyaabaha laga fiirinayana waxaa ugu horeeya in Qoraagu uu abbaaray arrinka uu ka hadlayo iyo in kale, sida uu eryada u xushay,iyo guud ahaan inay faalada ka hor imaanayso Anshaxa (Diintii, DHaqankii, iyo Hab-nololeedka) dadka uu media-haas u adeegayo.
Hasa ahaatee sida hadda ay u shaqeeyso war-baahinta faraha badan ee Soomaaliyeed ayaad moodaa inay tahay mid aan ku salaysnayn habka anshaxa saxaafadda laga rabo, waliba iyadoo ay Soomaaliya maanta ku jirto xaalad aad u adag oo ay saxaafaddu saarantahay mas’uuliyad culus oo u baahan in xil-kasnimo dheeri ah layska saaro ilaalinta Hab-anshaxa, (Code Of Ethic), waayo qoraalka ama waxa uu sii daynayo qofka wuxuu ku qiimaysanyahay sida uu hadba u ilaaliyo anshaxa oo uusan meel uga dhicin waxyaabaha qiimaha la leh dadka uu media ahaan rabo inuu farrintaas gaarsiiyo (values) sida diintooda, dhaqankooda, waxyaabaha lama taabtaanka ah, anshaxaas haddii aan la ilaalin nuxur kasta oo qoraalkaas ama barnaamijka la sii daayay laga faa’idi lahaa waa dhumayaa, mana gaarayso fariintaas qofkii loogu talo galay, sidaa daraadeed anshaxa oo la dhowro waa habka ugu xoogga weyn ee dhambaalka uu ku gaari karo qofkii loogu talo galay, haddii kale lamaba aqrisanayo ama lamaba dhegaysanayo oo dhaawac uu sababyo meel ka dhaca dhambaalka ku jira ayaa diidaya in aqristaha ama dhegaystahu si degan u dhamays tirto.
In kastoo ay anshaxa iyo qaynuunku kala duwanyihiin hadana waxaa weeye haddii aad midkood jabiso waa adigoo midkii kalana jabiyay oo ma kala haraan oo way isku xiranyihiin (Components), run ahaantiina waa wax aad u kooban arrimaha anshaxa ah oo haddii uu qofka weriyaha jebiyo uusan qaynuunku u ciqaabayn, waddamada qaarkoodna anshaxu waa qaynuun, waxaana jirta waddammada aduunka ay ku kala duwanyihiin waxa ANSHAXA loo yaqaan sida ay ugu kala duwanyihiin Diinta, DHaqanka, Caadada, iyo Hab-nololeedka, laakiin inta badan qaynuunka saxaafadda (Media Law) waxaad moodaa inaysan wax badan ku kala duwanayn ama inta halbowlayaasha u ah ay isku mid ka yihiin ama uusan farqi weyn u dhexayn.
Marka la qeexayo Media Law ayaa sida lagui macneeyo wuxuu yahay qaynuunka ilaaliya habka shaqo ee war-baahinta si ay u gudato adeegga looga baahanyahay, isla markaasna looga hor tago is dhex yaac, waxaase si kale loo oran karaa waa ilaalinta Anshaxa, maxaa yeelay wax kasta oo media-ha ka khaldama waxay ka bilaabanayaan iyadoo aan anshaxa la dhowrin, markaas ka dib bay noqonayaan Fal-danbiyeed, Been, Af-lagaado, Nabsasho, Isku-dir, Ku-xad-gudub xuquuq (Infringement) iyo qaybo kalaba, sidaa daraadeed baa Anshaxa iyo Qaynuunka (Media Law And Ethics) ay isku daabanyihiin, qaynuun kasta oo war-baahineed oo wadan ka jirana wuxuu qaynuunka war-baahineed ee wadan kale leeyahay uga duwanyahay arrimaha diinta iyo dhaqan ahaan ay labada wadan ku kala duwanyihiin.
Waxaan iyadana shaki ku jirin in maanta ninka suxufiga ee soomaaliya ka hawl gala uu dhib weyn ka marayo gudashada hawshiisa, iyadoo waliba aan ognahay in sanad kasta Soomaaliya lagu dilo tiro badan oo weriyeyaal ah, ama lagu jir dilo, ama lagu xiro iygoo aan maxkamad la hor keenin, laakiin taasi waa sida ay tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta, weriyeyaashuna waxay ka mid yihiin dadkaas badan ee iyaga oo aan waxba galabsan maalin kasta la dilayo ama naftooda wax-yeeladu soo gaarto, si kata oo ay tahayba weriyeyaasha Soomaaliyeed iyagaa laga rabaa hadana inay wax ka bedlaan siyaasad xumada la degtay dalka, iyaga ayaa laga rabaa inay la yimmaadaan hab siyaasadeed oo ay ku horumariyaan isu soo dhoweynta dadkooda, iyaga ayaa laga rabaa inay jebiyaan gidaarka dhex yaala mujtmaca Soomaaliyeed.
Qodob kasta oo war-baahinta lagu shaaciyo, War, Faalo, Maqaalo, Dood, Waraysi, Barnaamijo.. waxaa mas’uuliyadiisu ka bilaabanaysaa kuna dhammaanaysaa qofka Tafaf-tiraha ah, tafaf-tirnimmadu ma aha gogol xiriir ah mana aha magaca lagu xaragoodo marka laga fiiriyo mas’uuliyadda qofkaas saaran iyo qaynuunka hortiisa, waxaa qofka tafaf-tiraha ah looga baahanyahay inuu aad u feejignaado, marka arrintu tahay Media waxa la tafaf-tirayo ma aha qoraal, ama weedh, ma aha macnaha iyo ujeeddada uu guud ahaanMuuqaalka iyo Maqalku gudbinayo ee waa eray ama hal muuqaal oo sawir ah, taasi waxay ku tusaysaa siday u baahsantahay mas’uuliyadda Tafaf-tiraha.
Tafaf-tiraha waxaa waajib ah inuu si buuxdo u yaqaan afka ama luuqadda war-baahinta uu u yahay Tafaf-tirah ay ku hadasho siyaabaha kala duwan ee ereyadeeda loo isticmaalo (Terminologies), taasi macnaheeda ulama jeedno in qofka tafaf-tiraha noqonaya uu wax kasta yaqaan yahay ama noqon karo laakiin waxaa loola jeedaa inuusan sii dayn wax uusan fahamsanayn ama shaki ka qabo, haddii uu qabo inay jirto muhimad uu leeyahay mawduuca laakiin uusan fahmi Karin waa inuu la kaashadaa sida dhaqanka saxaafaddu yahay ku-simihiisa (Deputy editor) ama haddii ay arrintu qaynuunka la xiriirto inuu la kaashado sharci-yaqaanka wakaaladooda, laakiin mar kasta waxaa go’aanka kama dambaysta ah yeelanaya Tafaf-tiraha isagoo fahamkiisa qiimaynaya natiijada soo baxday iyo waxa ka dhalan kara.
Qofka Tafaf-tiraha ah ka hor intaanan aqoontiisa la gaarin waa inuu yahay qof dareenkiisu sareeyo oo markiiba isha ku dhufan kara: Xasaasiyadda mowduuca, xaaladda jirta iyo xiriirka mawduuca (qodobkan waa kan ugu muhiimsan ee ay saxaafaddeena maanta ka boodsantahay), muhiim ma aha inuusan dhibaato keenayn ama uu dhibaato keenayo, tusaale ahaan, waxaan garanayaa1989kii (Xilligii Kacaanka) ayaa waxaan wax ka qoray arrin aan aad u dhibsaday oo ahayd in xooggii umadda (waa DHalin-yardee) ay dalkii ka haajirayso, si aan marka ugu baraarujiyo waalidiinta iyo guud ahaan dhalintaba khatarta arintan baan qormo kooban oo aan ku sharaxayo arrinkaas ku soo qoray War-geyskii Xiddigta Oktoobar ee dowladda, sanadkaas dowladii kacaanka ahayd uma dabbaal degin sanad guuradii kacaanka, waxaa Tafaf-tire inoo ahaa Alle ha u wada naxariistee Cabdi Idiriis Ducaale, (Af-hayeenkii Max’ed Ibraahim Cigaal).
Qormada oo aan dhab ahaan hadda xasuusnayn cinwaankeedii baa waxaan ku bilaabay; Labaatan Jir Intuu Laan Ka Boodo Buu Talo Ka Boodaa!… hasa yeeshee Cabdi baa hadal aan isla naqaanay igu yiri “Weger! Waryee Axmed-yaasiin, dee maanta beertii Max’ed –yaraad gashayee” macnaha Max’ed Siyaad Bare, oo markiiba waxaa u muuqday in kacaanku labaatan jir yahay, isla markaasna weedhaas loo macnayn doono (Interpretation) qaynuunka saxaafadda ee dalka ka jirana waxaa uu xaaraantimayniyay wax kasta ay dowladdii kacanka ahayd dhibsanaysay ama aan raali gelinayn sax iyo khalad iyadoo aan loo fiirinayn, hadda ogow Cabdi Idiriis wuu garanayay sida murtidu munaasab ugu tahay qormmada (Maqaalka) mana aysan ka qarsoonayn taas laakiin wuxuu fiiriyay xaaladihii taagnaa, taasaa markaa keentay inuu isla tuuro maahmaahda iyo qaybtii furaha qoraalka ahayd (Introduction Paragraph), waxa tafaf-tirka ku sameeyay waa maxay? Waa weedh keliya oo sababtay in la tuuro iyada iyo weedhihii ku xirnaa.
Warka (News), marka qodob war ah la sheegayo, waxa ugu muhiimsan waa in warkaas runta laga sheego, war waa waa baahinta xogta waxa markaas dhacaya oo waqtiyo mucayin ah lagu faafiyo War-geysyada, idaacadaha, si waqtiyeeysan oo sugan, mar hadii uu macnaha warku sidaas yahay waxaa meesha ka baxay oo aan war noqonayn wax kasta oo aan dabeecadaas ku sifoobin.
Warku wuxuu u baahanyahay mas’uuliyad xaqiijinaysa sugnaantiisa, waxaa si loo ilaaliyo sugnaanta muhiim ah in marka wakaaladda kasta oo war-baahineed inay leedahay weriyeyaal iyaga mas’uul uga ah soo ururinta dhacdooyinka (Reporters), kaasoo uu waajibkiisu yahay inuu isagoo waqtiga ilaalinayo (macnaha inta warka aan waqtigiisa la dhaafin) waxaana taas ka muhiimsan hubinta sugnaanta warkaas.
Sida aan marar badan ku arko websites-keena qaarkood war (News) lagama dhigi karo Warar layla dhex-marayay, ilo sir-doon ah oo magacooda qariyay (haddii aysan ahayn dhacdo caam ah oo la ogyahay isla markaasna ay ku lug leeyihiin ilo sir-doon) qof is qariyay haddii aysan jirin sababo keenay, War-baahinta qaarkeed maba qaataanba, waxa inta badan loo diidayana waa warkaas oo madmadow uu galayo (Ambiguity).
Maxaaad shaacinaysaa?! Waxaan filayaa isla su’aashan qoraal hore ayaan kaga hadlay laakiin waan ku celinayaa, haddii uu shil galo nin madax ah oo markaas aad nasiib u yeelato inaad ka mid noqoto dadkii ugu horeeyay ee u yimaada goobta shilka, oo aad aragto isagoo dhaawaacyo qaba, gaarigiisii oo jajabay, iyo sawiro qaawanaan mujinaya oo gaarigiisii dhex daadsan,dhalooyin kuwa khamriga lagu keeno ah oo maran oo gaariga hareerihiisa daadsan, war-bixin noocee ah baad ka qoraysaa shilka guddoomiyaha?!….

Weriyuhu waa inuu xurmeeyaa go’aannada maamulada iyo mas’uuliyiinta deegaannada ay ka shaqeeyaan, waa inay u hoggaansamaan qawaaniinta deegaannad ay ka shqeeyaan lagu maamulo, marka la fiiriyo Soomaaliya oo xaaladeeda aan isla ognahay meesha ay marayso uma baahna aanan fahmi karin macnaha iyo ujeeddada war-baahinta, taasi waxaan ula jeednaa weriyuhu waa inuu gartaa war-faafinta danaha laga leeyahay inaysan ahayn in wax lagu burburiyo, siiba war-baahintaada waa inaysan adiga iyo ummadda aad u adeegayso wax-yeelo idinka imaan.
Sida qaynuunka saxaafaddu yahay weriyuhu makiinadda Sawirka lagu qaado (Camera) in ka badan 99% dalalka dunida lama geli karo maxkamad gudaheeda, qalabka wax lagu duubo iyagana sidaasoo kale waa ka mamnuuc, sidaasoo kalana waxaa mamnuuc ah inuu jabiyo amar maxkamadeed, ama uu isku lado,marka maxkamadda laga hadalayo waxaa danbii uu ku xirmi karo ama shaqada looga eryi karo ah haddii uu khaldo magaca xaakimka maxkamadda ama ay ka xumaato eray bixinta warka uu ka qorayo gartii ay maxkamadda qaaday, sidaas daraadeedna wakaaladaha wararka badankood waxay leeyihiin weriye sharci yaqaan ah oo u soo qora ama diyaariya war bixinnada la xiriira dacwadaha maxkamadaha ay qaadaan.
Marka laga hadalayo xeryaha ciidammada (Military barracks), waa arrinta ugu khatarsan ee maanta ka jirta dalkeena, maxaa yeelay dadkii waa wada hubaysanyihiin, marka waxay u baahantahay in qofka weriyaha ah si uu u badbaado inuu ka fogaado wax kasta oo shaki keeni kara.
Saxaafaddeena maanta jirtaa sida ay muddooyinkii la soo dhaafay wax ku waday ma ahayn si wax ku ool u ah dalka iyo dadka burburay ee Soomaaliyeed, waxayna saxaafadeena ku indho go’day caqli aan waxba ka duwanayn midkii siyaasiyiintii dalka burburiyay, taasina waxay horseeday inay taabbo gasho siyaasaddii dalka burburisay ee 21ka sano soo socotay.
Saxaafaddu waa inay wax midibaysaa, waa inay wax bedeshaaa, waa inay noqotaa caqli hogaamiya si sax ahan u turjuma siyaasadda dalka, waa inay sawirkeed, muuqaalkeeda, hadalkeeda, ku jeexdaa toobiye ay arkayaan dad-weynaha iyo dhalin yarada, horseedi karana is-bedel ku dhaca sida ay u fekeraan dad-weynaha Soomaaliyeed.
Maanta Soomaaliya uma baahna saxaafad u adeegaysa wax ka hooseeya Qaranimo, umana baahna saxaaafadda cadaawad ay u qabto maamul siyaasadeed ama nin siyaasi ah umadda dagaal u gelisa, horseedana khaladaad aan dhammaad lahayn oo jah wareer ku rida shacab u baahnaa xog wax ku ool ah oo ay wax ku qabsadaan, saxaafaddana ka sugayay inay ka helaan warar sugan oo ay kula socdaan qaabka siyaasadeed, nololeed iyo bulsho ee dalkooda.
Wakaaladaha wararka ee dal ka jiraa dhammaan isku siyaasad ma noqon karaan, laakiin caado ahaan iyo sida lagu yaqaan saxaafadda horumartay ee caqliga iyo aqoonta ay hoggaamiyaan waxay wada ilaaliyaan nabadda dadka iyo dalka ay u adeegan iyo danta ay ummadu wadaagto ee muhiimka ah.

Comments are closed