|

Shabaab oo qabsaday degmada Baladxaawo iyo ciidanka dowladda oo u cararay gudaha Kenya.

Kooxda Alshabab ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay saalay waaberigii ay ku qaadeen dagaal xoogan oo ay dhinac socdeen weeraro ismiidaamin ah.

Ciidankii dowladda ee ku sugnaa Baladxaawo ayaa lagusoo waramayaa inay galeen gudaha dalka Kenya gaar ahaan degmada Madhera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Alshabab ayaa weerarka ku bilaabay labo saldhig oo ay kala maamulayaan ciidanka Jubbaland iyo ciidanka Ahlusuna, waxaana wararku sheegayaa inay labadaas saldhig la wareegeen, sida ay ku sheegeen internetka.

Waa weerarkii labaad oo argigixisada Shabaabku ka geystaan dhulka Jubaland, dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay weerareen degaanka Buulo gaduud ee hoostaga Kismaayo.

Baladxaawo ayaa kamid ah degmooyinkii Alshabab laga saaray sanadkii 2011.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed