|

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ayaa ku dhacday diyaarad kale oo rakaab ahayd oo ku sugnayd garoonka dhexdiisa, waxaana jira burbur labada diyaaradood soo gaaray.

Laakiin, khasaare nafeed lama soo sheegin balse sida sawirrada ka muuqata laga sooo qaaday garoonka waxaa si xun isugu dhacay labada diyaaradood.

Lama garanayo cilada arrintaan ka dambeysa, inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay oo shil diyaaradeed uu ka dhaco garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xilliga uu falkaan dhacayay ma jirin wax rakaab ah oo saarnaa labada diyaaradood, balse diyaarada rakaabka ahayd ee ayaa isku diyaarinaysay inay dad shacab ah qaado.

 

 

 

 

Comments are closed