|

Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya 2020 oo todobaadkaan ka furmaya Kenya



Xeeldheerayaal ku xeeldheer Arimaha Doorashooyinka oo ka socda Afrika iyo Wadamada Carabta ayaa arbacada Shir uga furmayaa Nairobi shirkaasoo ajandihiisu yahay Sidii doorasho Xorcah oo Qof iyo Codkiis ah uga dhici lahayd Soomaaliya sanadkaan 2020ka.

Kulanka waxaa iyana goob joog ahaan doona gudiga Doorashada Soomaaliya ee Xukuumadii Madaxweyne Xasan Sheikh soo magacawday.

Kulankaan wuxuu muhiimbu yahay Gudiga Doorashada Soomaaliya, waxaana uga tala bixineynaa Sidii doorasho xor ah ay ugu tabaabushausan lahaayeen, waxaa sidaas yiri Gerald Mitchell, director of the United Nations Electoral Support Group.

Idris Aminu Kasimu oo ka socda Gudiga Doorashada Qaran ee Naigeria ayaa isna yiri “Doorasho xor ah oo dumuquraadiya waxaa sal u ah Xisbiyo Siyaasadeed, marka Dalku waa inuu yeeshaa Xisbiyo ay kasoo B axaan Murashixiinta la doorabayo”.

Kulankaan oo ay Qaramada Midoobey soo qaban qaabiyeen Waxaa ka qayb galaya Aqoonyahano ku xeeldheer Doorashooyinka oo ka socda Afrika iyo Carabta.

Puntlandi
Nairobi

Comments are closed