|

Shir-weynaha wada-tashiga dhallinyarada Isxil-qaamayaasha Puntland oo Gaalkacyo ka furmaya.

Gaalkacyo waxaa goor dhow ka furmaya shir-weynaha wada-tashiga dhallinyarada Isxil-qaamayaasha Puntland, waana shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lugu qabanayo Puntland.

Waxaa ka qeybgala dhallinyaro ka timid gobollada iyo degmooyinka Puntland, kuwaaso muddooyinkii dambe waday olole is-xilqaam ah oo barnaamij horumarineed ay ku fulinayeen.

Dhallinyarada Hormuudka Horumarka ee magaalada Gaalkacyo oo shirka marti-galiyay, waxa ay ku sheegaan inay ka doonayaan sidii loo mideyn lahaa dhallinyarada iyo dadaalladooda horumarka, iyagoo adeegsanaya ”  ” DHALLINYAROOY WAANU SOO JEESANAYE AANU ISKAASHANO”.

Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey, ayaa sidoo kale qeyb weyn ah marti galinta shirkaan, isagoo xalay dhalinyaradaan kusoo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo.

 

You must be logged in to post a comment Login