|

Shirka golaha wasiirada Soomaaliya oo berri ka furmayaa magaalada Kismaayo.

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaliya oo uu hoggmaainayo ra’iisulwasaare Kheyrre ayaa maanta ku wajahan magaalada kismaayo ee xarunta Jubbaland,halkaasi oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada soomaaliya.

Mas’uuliyiinta jubbaland ayaa sheegay in ay u diyargaroobayaan soo dhoweynta golaha xukuumadda Soomaaliya eek u wajahan kismaayo,waxaana labo diyaaradood oo qaadi dona golaha Wasiirada ay goor dhow ka kacayaan garoonka caalamig ah ee Aadan Cadde.

Shirka berri ee golaha wasiirada Soomaaliya oo ah kii ugu horreyey ee ay ku yeeshaa meel ka baxsan magaalada Muqdisho ayaa maalinka berri ayaa waxaa si weyn looga hadli doonaa arrimaha amniga,internet-ka ka go’an koonfurta soomaaliya iyo qodobo kale.

puntlandi.com

Comments are closed