|

Shirka Kismaayo Oo Maanta Laso Afmeerayo

Madaxda maamul goboleedada Soomaaliya, ayaa shirkoodii uu wali uga socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Shirka oo Warbaahintu ay bannaan joog ka tahay, ayaa Madaxdu ay si gaar ah u wada hadlayaan, waxaana Warbaahinta ay uso bandhigi doonaan natiijada shirkooda.

Wararka aanu ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in maanta galanka dambe ay Madaxdu soo saari doonaan Warmurtiyeed ku saabsan natiijada shirkooda.

Madaxda maamul goboleedada ayaa sheegay in shirkoodu uu yahay Dastuuri, ayna ka wada hadlayaan waxyaabaha ka dhexeeya.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa bannaanka ka joogta shirka, waxaana ay horay ugu guuldaraysatay inay hakad galiso shirka.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa Ilgaara ku haya shirka ka socda magaalada Kismaayo ee Jubbaland iyo qodobada kaso baxaya.

www.puntlandi.com.

Comments are closed